Madaxweyne Puntland Oo Magacaabay Gudiga Soo Xulista Xildhibaanada Golaha Deegaanka Gaalkacyo (Akhriso Magacyada).

0
515

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa magacaabay guddi ka shaqeyn doona soo xuliska xildhibaanada golaha deegaanka ee degmada Gaalkacyo.

Digreeto kasoo baxday xafiiska Madaxweyne Deni ayaana lagu magacaabay guddigan oo ka kooban 12 xubnood kuwaas oo shaqada ay qaban doonaan ay noqon doonto diyaarinta soo xulista iyo kala hufidda xildhibaanada golaha deegaanka ee ay yeelanayso degmada Gaalkacyo.

Xubnaha uu magacaabay madaxweyne Deni oo isugu jira wasiiro,xildhibaano iyo isuduwayaal wasaaradeed ayaa la faray in ay gutaan howlaha loo xilsaara ee la xiriirta soo xulista iyo kala saaridda xildhibaanada cusub ee golaha deegaanka Gaalkacyo.

Wasiirada arimaha gudaha,Ganacsiga,Qorsheynta iyo wasiiro ku xigeeno ka tirsan wasaaradaha amniga,haweenka ayaa kamid ah guddiga uu magacaabay madaxweyne Deni.

.