Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka tacsiyeey Alla ha u naxariistee dadkii ku shahiiday weeraradii argagaxiso ee maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.
Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa dhammaan dadka Soomaaliyeed ee ku shahiiday weearka argagaxiso waxa uu ugu duceeyay in Allaha uu jannadii geeyo eheledii iyo asaxaabtiib ay ka baxeenna samar iyo iimaan uu ka siiyo.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa tacsi gaar ah u diray Wasiir ku-xigeenkii Wasaarradda Shaqada iyo arrimaha bulshada, Saqar Ibraahim Cabdalla oo kamid ahaa dadkii ku shahiiday, waxa uuna dhammaan dadka ku dhaawacmay u rajeeyay in Allah uu siiyo caafimaad deg deg ah.
Wasiirka Koowaad ee xukuumadda ayaa ballan qaaday in dawladda Soomaaliyeed ay sii wadi doonto dagaalka ay kula jirto kooxda Alshabaab.
.












