Wednesday, September 9, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Ciidamada Booliska Dowlad Goboleedka HirShabeelle ayaa xalay degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe ku dilay laba nin oo lagu sheegay inay ka tirsanaayeen kooxda Al-Shabaab, kaddib markii lagu eedeeyay inay miinooyin ku aaseen suuqa xoolaha ee degmada. Taliyaha Saldhigga Booliska Mahadaay, G/le Suleymaan Cowsey, ayaa sheegay in ciidamada ay heleen...
Wasiirka Amniga ee maamulka Koonfur Galbeed, Cismaan Isaaq Maxamed, ayaa dowladda Kenya ka dalbaday in ay soo qabato madaxweynihii hore ee maamulkaasi, Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen, isla markaana ay u gudbiso hay’adda booliiska caalamiga ah ee Interpol, si loogu soo wareejiyo dowladda Soomaaliya. Wasiirka ayaa sheegay in tallaabadan ay fududeyn...
Midowga Golayaasha Culimada Soomaaliyeed ayaa magaalada Muqdisho kulan ka yeeshay cabashooyinka isa soo taraya ee la xiriira dhulalka iyo guryaha laga duminayo qaybo ka mid ah caasimadda, iyagoo dowladda ugu baaqay in la joojiyo tallaabo kasta oo lagu duudsinayo muwaadiniinta xuquuqdooda milkiyadeed. Culimadu waxay sheegeen in cabashooyin badan ay ka...
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulankoodii toddobaadlaha ahaa ku yeeshay Muqdisho, iyagoo looga hadlay arrimo la xiriira dhaqaalaha, amniga iyo difaaca dalka. Kulanka oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay warbixin ku saabsan xaaladda amniga iyo howlgalladii ugu dambeeyay ee ciidamada...
Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in dib loo dhigay doorashooyinka isku-sidkan ee Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Deegaanka ee dowlad-goboleedka Hirshabeelle, kuwaas oo markii hore loo qorsheeyay in ay qabsoomaan 20-ka Agoosto 2026. Guddigu wuxuu sheegay in dib-u-dhacu yahay mid kooban, isla markaana loo baahan...
Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Amb. Gamal Mohamed Hassan, ayaa Muqdisho kula kulmay Xoghayaha Guud ee Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika (AfCFTA), Wamkele Mene, oo booqasho rasmi ah ku jooga Soomaaliya. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii Soomaaliya uga gudbi lahayd marxaladda ansixinta heshiiska AfCFTA, una...
Laba dhallinyaro ah oo xoolo-dhaqato ah ayaa degmada Ruunirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe ku dilay horjooge sare oo ka tirsanaa kooxda Alshabaab, sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya. Wasaaraddu waxay sheegtay in dhacdadu ay dhacday 17-kii Agoosto, waxaana lagu dilay Xasan Calasow Raage, oo loo yaqaannay Xasan Xusuleey, kaas oo...
Shirkadda diyaaradaha qaranka Soomaaliya ee Somali Airlines ayaa la filayaa inay dib u bilowdo duulimaadyadeeda bisha Sebtembar 2026, in ka badan 35 sano kaddib markii ay joojisay howlaheeda, kaddib burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya 1991. Ahmed Moalin, agaasimaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, ayaa sheegay in la soo gabagabeeyay diyaar-garowga dib...
Soomaaliya ayaa bisha soo socota si rasmi ah u bilaabaysa dhoofinta kalluunka ee dalka Shiinaha, kaddib markii Beijing ay badeecadaha ka yimaadda qaar ka mid ah dalalka Afrika siisay fursad ay ku galaan suuqeeda iyagoo aan bixin cashuur. Heshiiska arrintan lagu dhaqan-gelinayo ayaa Muqdisho lagu kala saxiixday, waxaana dhinacyada Soomaaliya...
Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ciidamadiisu ay fashiliyeen weerar ay maleeshiyaad ka tirsan Kooxda Al shabaab ah ku qaadeen magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Bayaan uu soo saaray Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa lagu sheegay in ciidamada ay ka hortageen weerarka, isla markaana ay muddo waday...