Qaraarka Taabagelinta Dastuurka Cusub ee Soomaaliya oo Golaha Xukuumadda Federalku Ansixiyeen.

0
6

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay qaraarka taabbo-gelinta Dastuurka cusub, iyaga oo guddi wasiirro ah u xilsaaray diyaarinta hindise-sharciyeed qeexaya dhismaha Xukuumadda, tirada xubnaheeda iyo waajibaadkooda.

Shir aan caadi ahayn oo xalay, guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayay goluhu kaga hadleen fulinta Dastuurka, dowlad-dhiska iyo xoojinta hay’adaha dowladda.

Guddiga loo magacaabay dardargelinta fulinta Dastuurka waxaa guddoominaya Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, waxaana loo qabtay muddo laba bilood ah si uu u diyaariyo hindise-sharciyeedka dhismaha Xukuumadda, kaas oo lagu qeexi doono tirada wasiirrada iyo waajibaadka hay’adaha xukuumadda.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, hindise-sharciyeedkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee noociisa ah tan iyo 1968-kii, sida ay dowladdu sheegtay.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa kulanka ka sheegay in Dastuurku dhaqan-gal yahay, isla markaana fulintiisa loo marayo marxalado kala duwan. Waxa uu sidoo kale xusay qorshaha Xukuumadda ee ah in sannadka 2027 dalka laga qabto doorasho heer federaal ah oo qof iyo cod ah.

Dhanka kale, Golaha Wasiirrada ayaa warbixin ka dhageystay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada oo ku saabsan soo celinta nidaamka koodhka Soomaaliya ee Ururka Gaadiidka Cirka Caalamiga ah (IATA), kaas oo la xiriira nidaamyada maamulka tigidhada diyaaradaha.

Wasaaraddu waxay sheegtay in dib u soo celinta nidaamkan ay muhiim u tahay maamulka iyo nidaaminta adeegyada tigidhada duulimaadyada, xiriirka nidaamyada safarka caalamiga ah iyo horumarinta adeegyada duulista rayidka ee Soomaaliya.