Thursday, September 10, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Hoggaamiyaha militariga ee dalka Burkina Faso, Ibrahim Traoré, ayaa u sheegay shacabka dalkiisa inay “iska illaawaan dimuqraadiyadda,” isaga oo hadalkan ka jeediyay wareysi uu sii daayay telefishinka qaranka dalkaas. Traoré, oo talada dalka ku qabsaday afgambi dhacay bishii Sebtembar 2022, kadib markii uu xilka ka tuuray hoggaan militari oo hore,...
Xafiiska Hanti-dhawraha Guud ee Puntland ayaa faray dhammaan Wasiirrada, Wasiir-ku-xigeennada, iyo Wasiirrada Dowliga ah inay soo gudbiyaan hantidooda gaarka ah muddo bil gudaheed ah marka ay xilka qabtaan, sida ku cad Qodobka 77aad ee Dastuurka Puntland. Xisaabiyaha Guud, Cusmaan Maxamuud Cali, oo warqad u diray Golaha Wasiirrada iyo mas'uuliyiinta kale...
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo, xarunta ku meel gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed. Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa si diiran ugu soo dhaweeyay Hoggaamiyaha KMG ah ee Koonfur Galbeed, Cabdirashiid Jibril, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Madoobe, wasiiro, saraakiil...
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in diyaarad dagaal oo Maraykanku leeyahay oo ah nooca F-15, lagu soo riday gudaha dalka Iran, iyadoo ciidamada Maraykanku ay bilaabeen howlgallo raadin iyo badbaadin ah oo lagu doonayo in lagu helo shaqaalaha diyaaradda, sida ay sheegtay New York Times. Warbaahinta dowladda Iran ayaa Jimcaha...
Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa si kulul uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee ka taagan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, isagoo su’aal geliyay in hoos loo dhigay awoodii maamulkaas oo loo rogay awood hoose oo si toos ah uga amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya. Cumar Cabdirashiid ayaa...
Murashax madaxweyne Cabdinuur Axmed Darmaan ayaa sii xoojinaya ololihiisa siyaasadeed ee uu ku doonayo hoggaanka dalka, kaddib socdaallo uu ku maray qaar ka mid ah dalalka caalamka, gaar ahaan Yurub iyo Mareykanka. Ololahan oo si heer sare ah loo abaabulay ayaa ujeedkiisu yahay kasbashada taageerada jaaliyadaha Soomaaliyeed iyo xoojinta...
Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u diiwaangelisay markabkii ugu horreeyay ee qaata calanka Soomaaliya tan iyo burburkii dalka, iyadoo tallaabadan lagu tilmaamay mid taariikhi ah oo dib u soo nooleyneysa sumcadda iyo awoodda badda ee dalka. Markabka la diiwaangeliyay oo lagu magacaabo...
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, kaas oo uu guddoomiyey Ra’iisul Wasaaraha dalka, Xamsa Cabdi Barre, Kulankan ayaa lagu ansixiyey hindise-sharciyeedyo, heshiisyo iyo xeer-nidaamiyayaal muhiim u ah horumarinta hay’adaha dowladda, xoojinta iskaashiga caalamiga ah iyo dardargelinta kobaca dalka. Sharciyada iyo heshiisyada la ansixiyey waxaa ka mid...
Wasiirka Beeraha iyo Waraabka ee Xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa sheegay in dowladdu ay joojin doonto lacago uu ku tilmaamay kuwo sharci-darro ah oo laga qaado beerlayda, isla markaana tallaabo adag laga qaadi doono dadka loo yaqaan “gate keeper”-ka ee dadka ka soo kaxeeya dhulka beeraha. Wasiirku wuxuu...
Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Faysal Aadan Xasan, ayaa maanta furay kulan wadatashi ah oo diiradda lagu saaray dhismaha Guddi Qaran ee hirgalinta Xeerarka Caalamiga ah ee Xilliga Dagaalka. Kulanka oo ay ka qeybgaleen khubarro ka socotay Hay’adda ICRC, mas’uuliyiin dowladeed iyo ururrada bulshada...