Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa bulshada Somaliland ugu baaqay isku duubni iyo wadajir, xilli ay waddamo badan oo gobolka saamayn ku leh ay aad uga Soo horjeedaan aqoonsiga Israa'iil siisay Somaliland.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Somaliland anay cidna dhibaato u gaysan, oo ay ku foogantahay danaheeda oo kali...
Ku dhowaad 6.5 milyan oo qof oo ku nool Soomaaliya ayaa wajahaya heerar sare oo gaajo ah, halka in ka badan 1.8 milyan oo carruur ah ay halis ugu jiraan nafaqo-darro ba’an, sida lagu sheegay warbixin ay si wadajir ah u soo saareen dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha Qaramada Midoobay.
Warbixinta...
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa si adag u weeraray laba xildhibaan oo ka tirsan Aqalka Wakiillada, Ilhaan Cumar iyo Rashida Tlaib, kadib markii ay cod kaga hor yimaaddeen khudbaddii uu ka jeediyay fadhiga wadajirka ah ee Kongareeska.
Intii uu madaxweynuhu ka hadlayay adkaynta sharciyada socdaalka iyo la xisaabtanka magaalooyinka aan...
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Israa’iil ayaa shaacisay in Dawladda Israa’iil ay si rasmi ah u siisay oggolaanshaha diblomaasiyadeed Safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiyi doona Israa’iil, Dr. Maxamed Cumar Xaaji Maxamuud (Maxamed Hagi).
Qoraal rasmi ah oo kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in tallaabadan ay daba socoto aasaaska...
Maamulka Waqooyi Bari oo Sheegay in Doorashooyinku ka Dhici Doonaan Deegaanada Hoostaga Maamulkooda.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaacisay qabsoomidda Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka, kuwaas oo ay hoggaaminayso guddiga doorashooyinka iyo soohdimaha Soomaaliya.
War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Wasiirka maanta ayaa lagu sheegay in wasaaraddu si buuxda u garab taagan tahay hirgelinta...
Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa si adag u cambaaraysay jadwal doorasho oo uu soo saaray guddiga doorashooyinka iyo soohdimaha Soomaaliya, kaas oo xalay shaaciyay jadwalka doorashada golayaasha degaanka ee dowlad goboleedyada.
Qoraal ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in guddiga uu ku daray jadwalkiisa degmada Galgodogob ee gobolka Mudug,...
Howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS) iyo saaxiibada kale ee beesha caalamka ayaa muujiyay sida ay uga xun yihiin in wada-hadalladii u socday Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka ay ku dhammaadeen natiijo la’aan.
UNTMIS oo ay weheliyaan saaxiibbada caalamiga ah ayaa maanta kulan la yeeshay wakiillo sare oo ka...
MUHIIMAD GAAR AH
Waxaa sharaf noo ah in Somali Election Magazine (SEM) ay si rasmi ah u soo bandhigto murashaxiinta u tartamaya xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
SEM waxay diyaarinaysaa profile caalami ah oo heer sare ah oo ku saabsan murashaxa, kaas oo si xirfadeysan loo qaabeynayo, laguna soo bandhigayo:
Taariikh...
Madaxweynaha Soomaaliya, Xassan Sheikh Maxamuud, ayaa cafis guud u fidiyay xubnaha kooxda Al-Shabaab, isaga oo si gaar ah ugu baaqay dhallinyarada la marin-habaabiyay ee ku jira safkooda inay isa soo dhiibaan si nabad ahna dib ugu dhex milmaan bulshada Soomaaliyeed.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku booriyay dagaalamayaasha Alshabaab inay si buuxda...
Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku shaaciyay in wadaxaajoodkii uu la lahaa Dawladda Federaalka Soomaaliya uu ku soo dhammaaday natiijo la’aan, kaddib maalmo wadahadalladu socdeen.
Goluhu wuxuu sheegay in wadahadalka uu ku galay niyad-wanaag iyo mas’uuliyad qaran, si xal loogu helo xaaladaha adag ee dalka ka jira,...


















