Aadan Madoobe oo Ka Jawaabay Eedeymo uu Hore u Jeediyey Madaxweynihii Hore Lafta Gareen.

0
311

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ahna Musharaxa Madaxweynaha urur siyaasadeedka Cadaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa si adag uga jawaabay hadallo dhowaan kasoo yeeray madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, CabdicasiisLaftagareen, kuwaas oo la xiriiray xaaladda amniga iyo doorka dowladda ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Isagoo caawa ka hadlayay kulan ka dhacay magaalada , Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in eedeymaha loo jeedinayo dowladda iyo ciidamada amniga aysan ku saleysneyn xaqiiqda jirta, isagoo xusay in mas’uuliyadda ugu weyn ay tahay ilaalinta shacabka iyo xasilloonida dalka.

Waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay in Laftagareen ka tacsiyadeen waayo Sarakiil Dowladda uga dhimatay dagaal ay la galeen Al Shabaab iyo sida Dagaalyahano isaga taabacsan ay u sheeganayaan inay dagaalkaasi iyagu qaadeen.

“Dowladdu waajib ayaa ka saaran sugidda amniga shacabka, Waxaa khaldan in dhalinyarada la marin habaabiyo ama lagu dhiirrigeliyo hadallo niyad jab ku abuuri kara bulshada,” ayuu yiri Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Madoobe ayaa sidoo kale sheegay in dagaalka lagula jiro Al-Shabaab uu weli socdo, islamarkaana aysan jirin cid si gaar ah loogu eedeyn karo xaaladaha amni ee jira.

Wuxuu ku baaqay in siyaasiyiinta Soomaaliyeed ay muujiyaan masuuliyad dheeraad ah, kana fogaadaan hadallo uu ku tilmaamay kuwo kala fogeyn kara bulshada.

Guddoomiyaha ayaa xusay in nidaamka xisbiyada badan iyo geeddi-socodka siyaasadeed ee dalka uu u baahan yahay wada shaqeyn iyo is-qaddarin, isagoo ugu baaqay dhinacyada siyaasadda inay ka hormariyaan danaha qaranka khilaafaadka siyaasadeed.

“Siyaasaddu ma aha meel lagu kala tago, balse waa hannaan lagu mideeyo shacabka loogana shaqeeyo horumarka dalka,” ayuu yiri.