Xiisadda Siyaasadeed ee Soomaaliya oo Dawladaha Daneeya Arrimaha Soomaaliya Walaac ka Muujiyeen.

0
253

Qaar ka mid ah dalalka iyo hay’adaha caalamiga ah ayaa si wadajir ah walaac uga muujiyay xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, iyagoo ugu baaqay dhinacyada siyaasadda inay dib ugu laabtaan wadahadal iyo is-afgarad ku saabsan hannaanka doorashooyinka dalka.

War-saxaafadeed wadajir ah oo la soo saaray maanta ayaa lagu sheegay in saxiixayaasha bayaanka ay ka walaacsan yihiin xaaladda hadda ka jirta Soomaaliya, xilli ay sii kordhayaan murannada siyaasadeed ee la xiriira arrimaha doorashooyinka iyo maamulka dalka.

Beesha caalamka ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada inay sida ugu dhaqsaha badan dib u bilaabaan wada-hadallada, isla markaana ay gaaraan heshiis ku saabsan qorshaha doorashooyinka si loo ilaaliyo danaha shacabka Soomaaliyeed.

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in beesha caalamku diyaar u tahay inay taageerto wadahadallo ay Soomaalidu hoggaaminayso haddii looga baahdo.

“Xilligan xasaasiga ah, waxaan ku boorrineynaa dhammaan hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed inay mudnaanta siiyaan danaha qaranka, kana fogaadaan tallaabo kasta oo horseedi karta kororka xiisadaha,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Dalalka iyo hay’adaha saxiixay bayaanka waxaa ka mid ah Boqortooyada Midowday (UK), Midowga Yurub (EU), Qaramada Midoobay (UNTMIS), Jarmalka, Faransiiska, Talyaaniga, Sweden, Norway, Switzerland, Netherlands, Ireland, Belgium, Finland, Poland, Portugal iyo Spain.

Bayaankan ayaa kusoo beegmaya xilli Soomaaliya ay wajahaysay dood siyaasadeed oo xooggan oo ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo ay jiraan baaqyo isa soo taraya oo ku aaddan in la helo is-afgarad siyaasadeed oo looga gudbo khilaafaadka taagan.