Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa si rasmi ah u shaaciyay liiska saddex xubnood oo ka haray xubnaha Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, kuwaas oo lagu doortay doorashadii isku sidkaneyd ee ka dhacday maamulkaasi 10-kii May 2026.
War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska guddoomiyaha guddiga ayaa lagu sheegay in tallaabadan ay qeyb ka tahay waajibaadka dastuuriga ah iyo sharciyada hagaya geeddi-socodka doorashooyinka dalka.
Guddiga ayaa xusay inuu hore u shaaciyay 92 xubnood oo Golaha Wakiillada ah, sida ku cad war-saxaafadeed la soo saaray 25-kii May 2026, halka hadda lagu daray saddexdan xubnood ee ugu dambeysay, taas oo tirada guud ee Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ka dhigeysa 95 xubnood.
Xubnaha la shaaciyay ayaa kala ah: Cabdullaahi Maxamed Xaamud Cabdi (GWKG-93), oo ka tirsan ururka siyaasadeed Karaama, Maxamed Armo Maxamed Qooshoow (GWKG-94), oo ka tirsan ururka siyaasadeed Waaberi iyo Maxamed Ismaaciil Ciilmooge (GWKG-95), oo ka tirsan ururka siyaasadeed Towfiiq.
Shaacinta saddexdan kursi ayaa dhammaystireysa liiska xubnaha Golaha Wakiillada ee maamulka Koonfur Galbeed, iyadoo la filayo in tallaabadani ay dardargeliso marxaladaha xiga ee dhismaha hay’adaha dowladeed iyo doorashooyinka hoggaanka maamulka.













