Wakiilada Barlamaanka Koonfur Galbeed oo La Dhaariyey iyo Qalalaasaha Amni ee Ka Jira Magaalada Baydhabo.

0
6

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa maanta martigelisay munaasabad lagu dhaarinayay xubnaha cusub ee Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, iyadoo munaasabadda ay ka qeybgaleen mas’uuliyiin heer federaal iyo heer dowlad-goboleed ah.

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Koonfur Galbeed, Jibriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa goob joog ka ahaa dhaarinta xildhibaannada cusub, kuwaas oo si rasmi ah loogu dhaariyay inay gutaan waajibaadka dastuuriga ah ee loo igmaday.

Munaasabadda waxaa sidoo kale ka qeybgalay musharraxiinta u tartamaya xilka madaxtinnimada Koonfur Galbeed, xubno ka tirsan dowladda federaalka, odayaal dhaqameedyo, wakiillo ka socday bulshada rayidka ah iyo marti sharaf kale.

Khudbad uu halkaas ka jeediyay, Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ugu baaqay xildhibaannada cusub inay si daacadnimo, hufnaan iyo mas’uuliyad leh ugu adeegaan shacabka Koonfur Galbeed, ayna door muuqda ka qaataan xoojinta dowladnimada, amniga iyo horumarka deegaannada maamulkaas.

Waxa uu sidoo kale bogaadiyay habsami u socodka geeddi-socodka dhaarinta, isagoo sheegay in tallaabadani ay qeyb ka tahay dadaallada lagu xoojinayo hay’adaha dowladnimada iyo hanaanka dowlad-dhiska ee Koonfur Galbeed.

Dhaarinta xubnaha cusub ee Baarlamaanka ayaa ku soo beegmaysa xilli uu maanta magaalada Baydhabo ka dhacay dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ciidamo daacad u ah madaxweynihii hore Koonfur Galbeed.

Lafta Gareen ayaa aaminsan inuu yahay madaxweynaha sharciga ah ee koonfur Galbeed, isagoo dhawaan sheegay in ay dadaal kaste oo ay dib gacantooda ugu soo celinayaan Koonfur Galbeed.