Wasaaradda Arrimaha Debedda Soomaaliya oo Cambaareysay Weeraro Iran ku Qaaday Dalka Kuwait.

0
4

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaaraysay weerarro gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn lagu bartilmaameedsaday dalka Kuwait, iyadoo muujisay taageeradeeda iyo garab istaaggeeda dowladda iyo shacabka dalkaas.

Bayaan ay Sabtidii soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Muqdisho ay si buuxda u taageersan tahay madaxbannaanida, amniga iyo xasilloonida Kuwait, iyadoo weerarradaasi ku tilmaantay kuwo khatar ku ah nabadda iyo amniga gobolka.

Dowladda Soomaaliya ayaa adkaysay muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo sharciga caalamiga ah iyo mabaadi’da ku xusan Axdiga Qaramada Midoobay, iyadoo ugu baaqday dhinacyada ay khusayso inay muujiyaan is-xakameyn si looga hortago xiisado hor leh.

“Soomaaliya waxay garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Kuwait xilligan adag,” ayaa lagu yiri bayaanka, kaas oo sidoo kale xusay baahida loo qabo in khilaafaadka lagu xalliyo wada hadal iyo dariiqooyin diblomaasiyadeed.

Bayaankan ayaa kusoo beegmaya xilli ay jiraan walaacyo isa soo taraya oo ku saabsan amniga gobolka Khaliijka, iyadoo dalal badan ay kordhinayaan dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu ilaalinayo xasilloonida iyo amniga gobolka.

Ilaa hadda ma jiraan faahfaahin dheeraad ah oo rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha ama saameynta ka dhalatay weerarrada lagu sheegay bayaanka.

Soomaaliya oo cambaaraysay weerarro lagu qaaday Kuwait, kuna baaqday xasillooni gobolka