Wararka ka imanaya degaanka Garacad ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in iska hor-imaad saakay halkaas ka dhacay uu sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray xubno ka tirsan ciidamada Puntland.
Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in Taliyaha saldhigga degmada Jariiban, Cabdullaahi Cabdi Cilmi “Guray Dusaaye” (Booyaax), uu ku dhaawacmay iska hor-imaadka,...
Nin asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya ayaa weerar mindi loo adeegsaday ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah magaalada London ee dalka Ingiriiska, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.
Booliska London ayaa sheegay in weerarkan uu ka dhacay xaafadda Golders Green ee waqooyiga London, isla markaana loo arko...
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa furay shirka madaxda hay’adaha sirdoonka ee dalalka Bariga Afrika, kaas oo qabsoomaya inta u dhaxaysa 29 illaa 30-ka Abriil 2026, iyadoo ay ka qeybgalayaan saraakiil amni oo ka kala socota dalalka gobolka.
Shirkan ayaa diiradda lagu saarayaa qiimeynta xaaladaha...
Dowladda Uganda ayaa ku dhawaaqay inay Soomaaliya usoo dirayso guutada dagaalka lambarkeedu yahay 47-aad, taas oo qeyb ka noqon doonta howlgalka nabad ilaalinta ee Midowga Afrika, kadib markii ay soo dhammaystirtay tababaro adag oo loo diyaarinayay howlgalkaan si ay ugu soo biiraan.
Munaasabadda sagootinta ciidankan ayaa lagu qabtay 28-ka Abriil...
Cabdinuur Axmed Darmaan waa mid ka mid ah murashixiinta ugu cad ee hoggaanka dalka Soomaaliya, isagoo leh waayo-aragnimo siyaasadeed, karti hoggaamineed iyo sumcad wanaagsan oo uu ku dhex leeyahay bulshada Soomaaliyeed. Muddooyinkii uu ku jiray saaxadda siyaasadda, wuxuu muujiyey dadaal joogto ah oo ku aaddan horumarinta dalka, ilaalinta midnimada...
Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaacisay magacaabista Guddi cusub oo loo xil saaray Dib-u-eegista Manhajka Qaranka, si loo hirgeliyo talooyinkii ka soo baxay Shirweynihii Qaran ee Dib-u-eegista Waxbarashada ee qabsoomay 8-dii ilaa 12-kii Febraayo 2026.
Guddigan oo ka kooban 15...
War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa lagu xaqiijiyay in ciidamada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay fuliyeen hawlgal qorshaysan oo lagu beegsaday Dagaalamayaal ka tirsan Kooxda Al-Shabaab kuwaasi oo ku sugnaa gobolka Shabeellaha Hoose.
Hawlgalka oo socday 72-kii saac ee la soo dhaafay ayaa ka dhacay deegaanka Buulo Cabdalla, oo...
Dowladda Shiinaha ayaa shaacisay inay taageero qalabeyn ah siinayso xarumaha asluubta iyo xabsiyada ku yaalla Soomaaliya, kaddib kulan dhexmaray Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed iyo Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya.
Kulanka oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Sarreeye Guud Maxamed Sheekh Xasan Xamuud iyo...
Saddex markab ayaa lagu afduubtay xeebaha Somalia illaa toddobaad gudihiis, taasoo sare u qaadday cabsida laga qabo dib u soo laabashada burcad-badeedda ka howlgasha Geeska Afrika, isla markaana culays cusub ku kordhisay warshadaha maraakiibta caalamka.
Markabka ganacsiga ee Sward ayaa la qabsaday 26-ka Abriil. Dhacdadan ayaa daba socotay qabsashada 21-ka...
Dr. Suldaan Cabdiqani Qorane Maxamed
“Amni iyo Ammaano Qaran”
Amni • Caddaalad • Dib-u-heshiisiin • Adeeg Bulsho • Barwaaqo • Dib-u-dhis Dawladeed
Muddo ka badan soddon sano, Soomaaliya waxay la daalaa dhacaysay burbur dowladeed, amni darro, dhaqaale xumo, hay’ado jilicsan, iyo niyad-jab siyaasadeed oo soo noqnoqday. Si kastaba ha ahaatee, Soomaaliya...


















