Wasiirka Warfaafinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cabdifitaax Qaasim, ayaa sheegay in dowladda federaalku ay xaq dastuuri ah u leedahay qorista iyo dhismaha Ciidanka Xoogga Dalka meel kasta oo Soomaaliya ka tirsan, isagoo jawaab ka bixiyay amarro dhowaan kasoo baxay Puntland oo lagu sheegay inaan ciidamo federaal ah laga howlgelin karin deegaannada ay maamusho.
“Dowladdu waxay ciidamo ka qoraneysaa dalka oo dhan, Puntland-na kama duwana maamulada kale,” ayuu yiri wasiirku.
Wuxuu sheegay in Puntland aysan kaga duwanayn Koonfur Galbeed, Jubbaland ama Hirshabeelle, isla markaana maamulka Ciidanka Xoogga Dalka uu yahay mas’uuliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, halka Madaxweynaha Jamhuuriyaduna uu yahay Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida.
Wasiirku wuxuu ku dooday in dowlad-goboleedyadu aysan lahayn awood dastuuri ah oo ay ku hor istaagaan dhismaha ama qorista ciidamada qaranka, isagoo sheegay in arrintaasi ay tahay mid caadi ah oo waafaqsan dastuurka.
Isagoo ka hadlayay qaybta 54-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ee Puntland, ayuu sheegay in dib u howlgelinteeda aysan la xiriirin arrimo siyaasadeed, balse ay dowladda hadda jirta saxeyso gaabis ka jiray xukuumadihii hore.
Cabdifitaax Qaasim ayaa sidoo kale ka hadlay arrimaha Somaliland, isagoo sheegay in Somaliland ay tahay qayb ka mid ah Soomaaliya, isla markaana Dowladda Federaalka ay sii wadi doonto dadaallada diblomaasiyadeed iyo wada hadallada lagu ilaalinayo midnimada dalka.
Wuxuu xusay in Soomaaliya ay adeegsaneyso xiriirrada diblomaasiyadeed ee ay la leedahay dalalka caalamka, Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta, IGAD iyo ururro kale si ay u wajahdo caqabadaha jira, isagoo carrabka ku adkeeyay in dowladdu aysan doorbideyn xal militari balse ay mudnaanta siinayso wada hadalka.
Dhanka amniga, wasiirku wuxuu sheegay in dowladda ay guulo waaweyn ka gaartay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, isla markaana ay ka go’an tahay in la soo afjaro meelaha ay weli kooxdaasi kaga sugan tahay dalka.













