Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macalim Fiqi oo Jawaab kulul ka Bixiyey Hadal uu Jeediyey Agaasimihii Hore ee NISA Sanbaloolshe.

0
6

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa si adag uga jawaabay hadallo uu jeediyay agaasimihii hore ee Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), oo wareysi siiyay Telefishinka Shabeelle.

Sanbaloolshe ayaa wareysigaas ku eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, inuu doonayo inuu dilo intii ku jirtay weerar ay Dowladdu ku qaaday goob ay ku sugnaayeen isaga, Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre, ugaaska beesha Mursade iyo odayaal dhaqameed kale.

Isagoo ka hadlayay munaasabad ka dhaceysay magaalada Beledweyne, Wasiir Fiqi ayaa hadalladaas ku tilmaamay kuwo aan sal lahayn, wuxuuna ku eedeeyay Sanbaloolshe inuu hore uga qeyb qaatay falal amniga halis geliyay.

Wasiirku wuxuu sheegay in shaqsiyaad uu ula jeedo Sanbaloolshe ay ku lug lahaayeen weerarro hoobiyeyaal ah oo lagu qaaday magaalada Muqdisho, isagoo xusay in mid ka mid ah madaafiicda uu ku dhacay meel wax yar u jirta haamaha shidaalka ee magaalada, taas oo uu sheegay inay keeni kartay musiibo weyn.

Sidoo kale, Fiqi ayaa sheegay in dowladda ay hayso xog ku saabsan taageero iyo dhaqaale dibadda looga helay shaqsiyaadka uu eedeynayo, isagoo intaas ku daray in hub aan loogu talagelin shacabka uu gacantooda galay.

Wasiirka ayaa ku dooday in dowladda ay ka hortagtay qorshayaal amniga wax u dhimayay, isla markaana dadka uu eedeynayo ay hadda isku dayayaan inay isu muujiyaan dhibbaneyaal.