Thursday, November 5, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Midowga Yurub (EU) ayaa ku dhawaaqay tallaabooyin cusub oo ku-meel-gaar ah oo lagu adkeynayo helitaanka fiisooyinka muwaadiniinta Soomaaliyeed, kaddib markii warbixin rasmi ah lagu qiimeeyay heerka wada-shaqaynta Soomaaliya ee dib u qaadashada muwaadiniinteeda ku sugan dalalka Yurub si sharci-darro ah. Golaha Midowga Yurub ayaa sheegay in Soomaaliya aysan weli muujin...
Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiyo Macalin Cali (Sacdiya Bajaaj), oo muddo ku dhow 80 maalmood ku xirnayd xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho. Go’aanka ayaa lagu dhawaaqay fadhi ay maxkamaddu qabatay, kaas oo uu guddoominayay guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Saalax Cali Maxamuud. Guddoomiyuhu wuxuu sheegay...
Puntland ayaa soo saartay awaamiir amni oo cusub, kuwaas oo ay ku jiraan tallaabooyin lagu xakameynayo dhaqdhaqaaqyada siyaasiyiinta hubeysan, qarashada askarta, shirarka siyaasadeed iyo falalka khatarta ku ah amniga  Puntland. War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Amniga Puntland ayaa lagu sheegay in go'aamadan ay ka dhasheen shir ay yeesheen guddiga amniga iyo...
Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saxiixday qandaraaska adeegyada daraasadaynta, naqshadaynta, qiimeynta saameynta deegaanka iyo bulshada, iyo diyaarinta dukumentiyada qandaraas-bixinta ee waddada Galkacyo–Hobyo, gaar ahaan qaybta Galkacyo–Ceelguula oo dhererkeedu yahay 100 kiiloomitir. Munaasabadda saxiixa ayaa ka dhacday xarunta wasaaradda, waxaana ka qeyb galay Wasiirka Hawlaha...
Golaha Wasiirrada Maamulka Waqooyi Bari iyo maamulka gobolka Sool ayaa sheegay in xaaladda degmada Adhi-Caddeeye ay deggan tahay, kadib markii maanta halkaasi lagu aasay in ka badan 20 qof oo ku naf waayay dagaal beeleed shalay ka dhacay deegaanka. Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in ciidamada maamulku ay si buuxda ula wareegeen...
Golaha Siyaasiyiinta iyo Aqoonyahanka Puntland ayaa war-murtiyeed ay soo saareen ku muujiyay walaac xooggan oo ku saabsan xaaladda siyaasadeed iyo amni ee Puntland, iyagoo ku baaqay in la ilaaliyo dowladnimada, nabadda iyo horumarka bulshada. Bayaan ay goluhu soo saareen Talaadadii ayay ku sheegeen in Puntland ay wajahaysay caqabado siyaasadeed iyo...
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay colaadda ka soo cusboonaatay deegaanka Aricaddeeye ee gobolka Bari, taas oo sababtay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ah. Bayaan ay wasaaraddu soo saartay maanta oo Talaada ah ayaa lagu sheegay in dagaalku uu...
Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Xuutiyiinta ee ka taliya qaybo ka mid ah Yemen ayaa ka digay waxa uu ku tilmaamay joogitaan Israa’iili ah oo ka jira Somaliland, isaga oo sheegay in arrintaasi ay khatar ku tahay ammaanka Yemen iyo gobolka. Warbaahinta xiriirka la leh Xuutiyiinta ayaa sheegtay in...
Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa sheegay in ciidamada Mareykanku ay afartii weerar ee ugu dambeeyay ka fuliyeen koonfurta Soomaaliya toddobaadkii la soo dhaafay, iyadoo duqeymahaasi lagu bartilmaameedsaday dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab. Sida ay AFRICOM ku sheegtay war-saxaafadeedkeedi, weerarrada ayaa dhacay 14-kii, 16-kii, 18-kii iyo 19-kii Juun, Hay’addu ma...
Ra’iisul Wasaaraha Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska, Keir Starmer, ayaa maanta ku dhawaaqay inuu iska casilayo xilka Ra’iisul Wasaaraha iyo hoggaanka Xisbiga Shaqaalaha, kaddib bilo ay socdeen cadaadis siyaasadeed iyo khilaafyo ka dhex jiray xisbigiisa. Starmer ayaa hadal uu ka jeediyay bannaanka xarunta dowladda ee 10 Downing Street ku sheegay inuu...