Xuutiyiinta Yemen oo Sheegay in aysan ogolaan Doonin Saldhig Ciidan in Israaíil Ka Furato Gudaha Maamulka Somaliland.

0
6

Hoggaamiyaha dhaqdhaqaaqa Ansaar Allah (Xuutiyiinta), Cabdulmalik Al-Xuuthi, ayaa sheegay in aanay “gacmaha ka laaban doonin” haddii Israa’iil isku daydo inay “Somaliland” u beddesho saldhig ay ka maamusho Gacanka Cadmeed, marin-biyoodka Bab al-Mandab iyo Badda Cas.

Khudbad uu jeediyay munaasabadda tobnaadka bisha Muxarram ayuu Al-Xuuthi ku sheegay in shacabka Yemen ay ku adkaysanayaan taageerada arrimaha waaweyn ee ummadda Islaamka, gaar ahaan qaddiyadda Falastiin.

Waxa uu sidoo kale ka hadlay is-afgaradka u dhexeeya Iiraan iyo Mareykanka, isagoo ku tilmaamay guusha Iiraan inay tahay “guul muhiim u ah dhammaan dhidibka iska caabbinta iyo ummadda Islaamka”.

Wuxuu intaas ku daray inay ugu baaqayaan dalalka ku teedsan Badda Cas iyo guud ahaan dunida Islaamka inay qaataan mowqif mideysan oo looga hortagayo arrintaas, isagoo sheegay inaanay sugi doonin cid kale haddii Israa’iil saldhig ka sameysato halkaas, isla markaana ay adeegsan doonaan “dhammaan hababka suuragalka ah.”

Al-Xuuthi ayaa sidoo kale ugu baaqay dowladaha Islaamka inay taageeraan Soomaaliya, daryeelaan shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ka hortagaan waxa uu ku tilmaamay bartilmaameedka Israa’iil oo uu sheegay inuu khatar ku yahay madaxbannaanida Soomaaliya iyo dalalka Islaamka.