Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), oo maanta ka hadlaayay magaalada Kismaayo ayaa marka hore ka tacsiyeeyay dadkii ku dhintay dhacdooyinkii rabshadaha watay ee ka dhacay deegaannada Adhicadeeye iyo Jalalaqsi, isagoo ku tilmaamay dhacdooyin murugo leh oo aan loo baahnayn inay dhacaan.
Madaxweynaha ayaa sheegay in dhibaatooyinka noocan ah ay qayb ka yihiin raadadka ka dhashay burburkii Soomaaliya iyo faafitaanka hubka oo uu sheegay inuu gacanta u galay dad aan awood u lahayn inay qaadaan masuuliyadda isticmaalka hubka.
Wuxuu xusay in arrintaasi ay sii kordhinayso khataraha amni iyo isku dhacyada soo noqnoqda ee ka dhaca dalka.
Axmed Madoobe ayaa ugu baaqay isimada dhaqanka, waxgaradka iyo bulshada Soomaaliyeed inay door muuqda ka qaataan xallinta khilaafaadka, isaga oo sheegay in dhaqanka Soomaaliyeed uu yahay dariiqii lagu xallin jiray colaadaha iyo gefafka ka dhex dhaca bulshada.
Dhinaca kale, Madaxweynaha Jubaland ayaa walaac ka muujiyay xaaladda siyaasadeed ee Puntland, isaga oo ka digay waxa uu ku tilmaamay faragelin iyo qalalaase ay hurinayso dowladda federaalka ee wakhtigeedu dhammaaday.
Waxa uu ku boorriyay isimada dhaqanka, waxgaradka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada reer Puntland inay ilaashadaan midnimadooda, ayna si nabad ah ugu xalliyaan arrimahooda gudaha.
Madoobe ayaa sheegay in Puntland ay door muhiim ah ku lahayd dib-u-dhiska dowladnimada Soomaaliya iyo hirgelinta nidaamka federaalka, isaga oo xusay in maamulkaasi lagu dhisay wada-tashi dhex maray isimmo, waxgarad iyo siyaasiyiin. Wuxuu ku baaqay in la dhowro nidaamkaas iyo xasilloonida deegaannada Puntland.
Sidoo kale, Madaxweynaha Jubaland ayaa dhaliilo u jeediyay dowladda federaalka, isagoo ku eedeeyay inay ku guuldarraysatay taageeridda dagaallada lagula jiro kooxaha hubeysan, isla markaana ay mudnaan siisay khilaafaad siyaasadeed.
Wuxuu ku dooday in arrimaha ka socda Puntland ay u egyihiin isku day lagu wiiqayo nidaamka federaalka iyo hay’adihii lagu soo dhisay dadaallada dib-u-heshiisiinta Soomaaliyeed.













