Faragelinta Arrimaha Soomaaliya ee Israaíil oo Barlamaanka Carabtu Cambaareeyeen.

0
5

Wafdi heer sare ah oo ka socday Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka qayb galay shirkii 8-aad ee Baarlamaanka Carabta iyo Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Carabta, kaas oo lagu qabtay xarunta Jaamacadda Carabta ee magaalada Qaahira.

Wafdiga Soomaaliya waxaa hoggaaminayay Senator Cabdulxakiin Macallin Axmed Maallin, oo khudbad uu ka jeediyay shirka ku soo bandhigay aragtida Soomaaliya ee ku aaddan xoojinta iskaashiga Carabta ee isbeddelka dijitaalka ah, ilaalinta xogta qaranka, amniga internetka (cybersecurity), iyo dejinta sharciyo casri ah oo la jaanqaadaya horumarka tiknoolajiyadda.

Shirka ayaa sidoo kale ansixiyay qaraarro dhowr ah, oo ay ku jirto qaraar ku saabsan Soomaaliya, kaas oo si adag u cambaareeyay waxa ka qaybgalayaashu ku tilmaameen faragelinta iyo xadgudubyada ay Israa’iil ka waddo dalal Carbeed, gaar ahaan Soomaaliya, Lubnaan iyo Suuriya.

Qaraarka ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo madaxbannaanida dalalka, wadajirkooda dhuleed, sharciga caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay.

Go’aannada iyo talooyinka ka soo baxay shirka ayaa loo gudbin doonaa madaxda dowladaha iyo xukuumadaha Carabta si ay uga doodaan shir madaxeedka soo socda ee Jaamacadda Carabta.