Wednesday, July 22, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Caddaaladda ee ku saabsan magacaabista Taliyaha cusub ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Sarreeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud. Waxaana Xilkii laga qaaday Taliyihii hore ee ciidanka Asluubta, Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan oo loo yaqaanay “Taliye Shub”, oo ah sodoga Madaxweynaha Maamulka...
Boqolaal ka mid ah ganacsatada Suuqa Bakaaraha, oo ah suuqa ugu weyn dalka, ayaa maanta dhigay bannaanbax ballaaran kadib markii ay sheegeen in dowladda ay amartay in la xiro suuqa isla markaana laga guuro, iyadoo la qorsheynayo in dhulkaas lagu wareejiyo ganacsato maalqabeenno ah oo xiriir la leh dowladda. Ganacsatada...
Howlgalka badda ee Midowga Yurub ayaa ka digay khatar burcad-badeednimo oo ka jirta meel ka baxsan xeebaha Soomaaliya, kaddib warbixin muujinaysa in dooni la afduubtay loo adeegsan karo weerarro kale. Xarunta la socodka amniga maraakiibta ee Maritime Security Centre Indian Ocean, ayaa faafisay xogtan, iyadoo sheegay in dooni laga leeyahay...
Wararka ka imanaya Bariga Dhexe ayaa sheegaya in xaaladda colaadeed ay weli sii kacsan tahay, iyadoo Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu mar kale ku celiyay in wada-hadallo u socdaan dalkiisa iyo Iiraan. Si kastaba ha ahaatee, Tehran ayaa si adag u beenisay arrintaas, iyada oo ku tilmaantay “war aan...
Midowga Yurub ayaa muujiyay walaac xooggan oo ku aaddan xaaladda sii cakirmeysa ee ka taagan deegaannada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, iyadoo ay isa soo tarayaan xiisadaha siyaasadeed iyo kuwa amni ee halkaasi ka jira. Danjiraha Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya, Francesca Di Mauro, ayaa sheegtay in Midowga Yurub si dhow...
Shirkadda Maraykanka ah ee Apache Corporation, oo kaashanaysa Hay’adda Guud ee Shidaalka Masar (Egyptian General Petroleum Corporation), ayaa shaacisay inay heshay kayd cusub oo gaas dabiici ah, kaddib markii ay qodday ceel tijaabo ah oo lagu magacaabo SKAL-1X, kaas oo ku yaalla aagga Koonfurta Kalabsha ee lamadegaanka galbeed ee...
Gantaallo ay Iiraan soo ridday ayaa ku dhacay qaybo ka mid ah magaalada Tel Aviv ee dalka Israa’iil, taas oo sababtay burbur ballaadhan oo soo gaadhay dhismayaal iyo dhimashada ugu yaraan afar qof. Weerarkan ayaa si toos ah u saameeyey goobaha rayidka ah, iyadoo jugta qaraxyadu ay gilgileen xaafado...
Odayaasha dhaqanka ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa sheegay in ay dadaalo fiican ka sameeyeen sidii loo joojin lahaa xiisadda siyaasadeed iyo midda amni ee ka taagan deegaannada maamulkaas, kaddib kulamo socday saddexdii maalmood ee la soo dhaafay. Ugaas Shire Ugaas Warsame, oo ka mid ah madax dhaqameedka...
Dagaalka ka socda Gaza iyo dhiigga daadanaya ee shacabka Falastiiniyiinta ah waxa uu noqday mid si qoto dheer u taabtay qalbiyada Muslimiinta iyo dadka damiirka leh ee dunida. Inkasta oo ay tahay musiibo bani’aadamnimo oo murugo leh, haddana waxaa jirta aragti kale oo tilmaamaysa in dhacdooyinkan ay keeni karaan...
136 Xildhibaan oo ka tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ayaa soo dhoweeyay go’aanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee ku aaddan qabashada doorashooyinkeeda iyo magacaabista guddiga doorashada, iyagoo ku tilmaamay tallaabo waafaqsan dastuurka. War-murtiyeed kasoo baxay xildhibaannadan ayaa lagu sheegay in doorashooyinka la qorsheeyay ay tahay in ay noqdaan kuwo...