General Jimcaale Taliyaha Qeybta 54’aad ee Ciidanka Xoogga oo Garoowe ku Soo Laabtay.

0
9

Taliyaha Ciidanka Danab, Jeneraal Jimcaale Jaamac Takar, ayaa caawa soo gaaray magaalada Garoowe, kadib wada-hadallo lagu sheegay in horumar laga sameeyay oo u dhexeeyay isaga iyo Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni.

Soo laabashada Jeneraal Jimcaale ayaa timid kaddib dadaallo dhexdhexaadin ah oo ay wadeen guddi ka soo jeeda gobolka Nugaal, kuwaas oo loo xil saaray xalinta khilaaf muddo ka dhex jiray labada dhinac.

Wararka laga helayo wada-hadallada ayaa sheegaya in xukuumadda Puntland iyo Jeneraal Jimcaale ay gaareen is-afgarad hordhac ah, inkasta oo aan wali la shaacin heshiis rasmi ah oo faahfaahsan.

Ilo ku dhow dhinacyada ayaa sheegay in qodobada lagu soo qaaday wada-hadallada ay ka mid yihiin in Jeneraal Jimcaale uu ka tanaasulo xiriirro iyo qorshayaal ciidan oo uu la lahaa dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo ciidamadiisana la siinayo xuquuqdooda gudaha Puntland.

Sidoo kale, wararku waxay sheegayaan in Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni uu ka shaqeynayo in Jeneraal Jimcaale loo aqoonsado darajada ciidan ee ugu sarreysa, iyadoo dhinacyadu isla garteen in amniga Puntland uu yahay masuuliyad wada saaran dhammaan shacabka reer Puntland.

Dhexdhexaadinta arrintan waxaa hormuud ka ahaa guddi uu garwadeen ka yahay Madaxweynihii hore ee Puntland, Senator Cabdiraxmaan Faroole, kaas oo isku dayayay inuu isu soo dhoweeyo labada dhinac.

Wadahadallada ayaa la filayaa inay sii socdaan illaa laga gaarayo heshiis kama dambeys ah, iyadoo ay jiraan qodobo wali u baahan in labada dhinac ay isku fahmaan.

Si kasta ha ahaatee, Gen. Jimcaale oo dhawaan la sheegay in loo magacaabay taliyaha taliska qeybta 54aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin magacaabistiisa, ayaa Garowe ku haysta ciidamo ka mushaar qaata dowladda Federaalka Soomaaliya.