Dowladda Federaalka ayaa eedeyn culus u jeedisay mas’uuliyiin, uu ku jiro Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen, iyo Guddoomiyaha Aqalka Wakiilada ee Maamulka Koonfur Galbeed Cali Saciid Fiqi inay si dadban u taageereen ama u dhiirrigeliyeen kooxda Al-shabaab, inkastoo aysan soo bandhigin Wasaaradda caddeymo faahfaahsan oo arrintaas muujinaya.
"Dowladda Federaalka...
Janaraal Muhoozi Kainerugaba, oo ah taliyaha ciidamada dhulka ee Uganda isla markaana ah wiilka madaxweynaha Yoweri Museveni, ayaa sheegay in dalkiisa uu taageeri karo Israel haddii uu sii xoogeysto dagaalka ka socda Bariga Dhexe.
Qoraallo xiriir ah oo uu toddobaadkan ku baahiyay baraha bulshada ayuu ku muujiyay taageerada Uganda ee...
Hawlgalka Kumeel-gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS) ayaa sheegay inay si dhow ula socdaan xaaladda ka taagan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, iyadoo muujisay walaac ku saabsan xiisadaha siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada.
War-saxaafadeed ay soo saartay UNTMIS ayaa lagu sheegay in khilaafaadka u dhexeeya Dowladda...
Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa si rasmi ah u ansixisay natiijada doorashada golayaasha deegaanka ee degmooyinka Gobolka Banaadir, ka dib markii guddiga doorashooyinka qaranka ay horey u soo saareen natiijo ku meel gaar ah.
Go’aankan oo lagu gaaray fadhigii Maxkamadda ee 8 March 2026, ayaa waxaa saxiixay dhammaan garsoorayaasha Maxkamadda...
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Hassan Sheikh Mohamud ayaa si kulul u difaacay hirgelinta doorasho qof iyo cod ah, isagoo sheegay in dalka uu ka gudbay nidaamkii doorashada dadban ee muddo dheer lagu soo dhaqmi jiray.
Madaxweynaha ayaa sheegay in heshiisyo badan oo hore loo galay ay si cad u qeexayaan...
Xuutiyiinta Yemen ayaa si rasmi ah ugu biiray dagaalka Bariga Dhexe, iyagoo bilaabay weerarro ay ku qaadeen Israa’iil, taas oo muujinaysa wejigii ugu dambeeyay ee colaadda sii fidaysa. Militariga Israa’iil ayaa xaqiijiyay in gantaal lagaga soo riday dhanka Yemen aroornimadii Sabtida, taasoo noqotay markii ugu horreysay ee weerar toos...
Xulka qaranka Soomaaliya ayaa barbaro 0-0 ah la galay dhiggiisa Mauritius kulan ka tirsanaa wareegga hore (isreeb-reebka) tartanka Koobka Qaramada Afrika (AFCON), kaas oo la ciyaaray fiidnimadii Jimcaha.
Kulanka ayaa ahaa mid dhexdhexaad ah marka la eego tayada ciyaarta, iyadoo labada dhinacba aysan awoodin inay abuuraan fursado halis ah oo...
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa xilalkii ka qaaday Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta, Ismaaciil Shire Jaamac, iyo Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka, Asad Cabdirisaaq Maxamed.
Sida lagu sheegay war qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, go’aankan ayaa lagu saleeyay qodobbada 120-aad iyo 117-aad ee...
Taliyaha guud ee ciidamada dalka Uganda, Muhoozi Kainerugaba, ayaa sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ku biiro dagaalka Bariga Dhexe haddii uu sii socdo, isaga oo si cad u muujiyay taageerada uu u hayo Israa’iil.
Qoraallo taxane ah oo uu ku baahiyay bartiisa X (Twitter), ayuu Kainerugaba ku sheegay...
Puntland ayaa sheegtay inay qaadi doonto tallaabooyin siyaasadeed oo ay ku difaacayaan madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, kaddib markii ay ku eedeeyeen dowladda federaalka inay duulaan qaawan ku qaadday maamulkaas.
Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Ilyaas Cusmaan Lugatoor, ayaa hadalkan ka sheegay shir uu ku qabtay Garoowe, isagoo ku eedeeyay...


















