Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya ayaa walaac ka muujisay colaadaha iyo xiisadaha ka taagan deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo ku baaqday in si degdeg ah loo joojiyo dagaallada iyo falalka hurinaya rabshadaha.
War-saxaafadeed ay wasaaraddu soo saartay Sabtidii ayaa lagu sheegay in sii socoshada colaadaha ay khatar ku tahay amniga, wadajirka bulshada iyo dadaallada dib-u-heshiisiinta ee dalka.
Wasaaraddu waxay ugu baaqday shakhsiyaadka, kooxaha iyo cid kasta oo ku lug leh hurinta colaadaha, faafinta hadallada naceybka iyo abaabulka rabshadaha inay joojiyaan falalkaas, iyadoo sidoo kale ugu baaqday odayaasha dhaqanka, culimada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada inay ka shaqeeyaan nabadda iyo xasilloonida.
Sidoo kale, wasaaraddu waxay sheegtay inay farayso hay’adaha amniga iyo kuwa fulinta sharciga inay qaadaan tallaabooyin waafaqsan sharciga oo ka dhan ah cid kasta oo lagu helo hurinta colaadaha ama falal khalkhal gelinaya amniga.
War-saxaafadeedka ayaa lagu soo gabagabeeyay baaq ku wajahan dhammaan dhinacyada inay hormuud ka noqdaan xallinta khilaafaadka iyadoo loo marayo wada-hadal iyo is-afgarad, si loo ilaaliyo nabadda iyo wadajirka bulshada.














