Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Cabdalle Maxamed Carab (Sandheere), ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay isku dayday inay hor istaagto imaanshaha xildhibaan hore Fahiima Yuusuf Cabdillaahi (Quuje) ee Somaliland, isagoo ku eedeeyay inay xitaa isku dayday afduubkeeda xilli ay ku sugnayd magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.
Wasiir Sandheere ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dadaal badan ku bixisay sidii aanay Fahiima Quuje u gaadhi lahayn Hargeysa. Waxa uu sheegay in Somaliland ay hayso xog muujinaysa in la isku dayay in la afduubto, inkasta oo aanu soo bandhigin caddeymo dheeraad ah oo arrintaas xaqiijinaya.
“Dowladda Soomaaliya waxay dadaal ku bixisay in aanay Fahiima halkan iman. Xataa waxa aanu haynaa in ay isku dayday in ay afduubto, ceebna maaha oo waa dhaqanka Maamulka Muqdisho ee Xasan Sheekh,” ayuu yidhi wasiirku. Waxa uu intaas ku daray in Somaliland ay hayso kaadhkii dhalashada ee Fahiima, isagoo ku tilmaamay inay tahay muwaadin reer Somaliland ah.
Wasiirku waxa uu sidoo kale sheegay in soo laabashada Fahiima Quuje ay leedahay muhiimad siyaasadeed iyo mid bulsho, isaga oo xusay in ay dib uga noqotay mawqifkeedii hore isla markaana ay xaq u leedahay in si sharaf leh loogu soo dhaweeyo Somaliland.
Waxa uu sheegay in Somaliland ay hore u soo martay colaado sokeeye balse bulshada ay ku guulaysatay dib-u-heshiisiin, isaga oo tilmaamay in arrinta Fahiima aanay ka duwanayn geeddi-socodkaas. Waxa uu intaas ku daray in iyada iyo bulshada reer Laascaanood ay yihiin dad reer Somaliland ah.













