Wednesday, July 22, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa ka digay waxa uu ku tilmaamay hub la sheegay in laga keenay dalka Masar oo loo gudbinayo kooxo hubeysan oo lala xiriirinayo maleeshiyaad iyo kooxo xagjir ah, isagoo sheegay in arrintaasi ay khatar ku tahay amniga guud ee dalka. War ka soo baxay Wasaaradda Amniga...
Dowladda Iran ayaa ku hanjabtay inay beegsan doonto kaabeyaasha muhiimka ah ee tamarta iyo biyaha ee dalalka Khaliijka, haddii Maraykanku uu fuliso qorshe uu ku weerarayo shabakadda korontada ee dalkaas. Hanjabaaddan ayaa sii xoojisay xiisadda colaadeed ee ka aloosan gobolka Bariga Dhexe. Arrintan ayaa timid kadib markii Madaxweynaha Maraykanka Donald...
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya ayaa soo saartay amar si ku meel gaar ah u joojinaya xil magacaabista iyo xil ka qaadista heer degmo iyo heer gobol ee Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa tallaabadan u sababaysay xaaladaha siyaasadeed iyo amni oo ka jira deegaannadaas, iyadoo...
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa hanjabaad culus u diray dalka Iiraan, isaga oo sheegay in Maraykanku burburin doono xarumaha waaweyn ee korontada haddii aan si buuxda dib loogu furin marin-biyoodka muhiimka ah ee Hormuz muddo 48 saacadood gudahood ah. Trump ayaa qoraal uu ku soo dhigay baraha bulshada ku sheegay...
Ugu yaraan 64 qof, oo ay ku jiraan 13 carruur ah, ayaa lagu dilay weerar lagu qaaday isbitaal ku yaalla gobolka Daarfuur ee dalka Suudaan, sida uu sheegay madaxa Hay'adda Caafimaadka Adduunka (WHO). Agaasimaha WHO, Tedros Adhanom Ghebreyesus, ayaa qoraal uu ku baahiyay baraha bulshada ku sheegay in weerarku uu...
Donald Trump ayaa ka digay in uu u diri doono ciidamada ICE garoomada diyaaradaha ee Mareykanka, isla markaana ay xiran doonaan ajaanibta sharci-darrada ku jooga dalkaas, haddii Dimuqraadiyiintu aysan oggolaan dalabaadkiisa miisaaniyadeed ee wasaaradda amniga gudaha “Haddii Dimuqraadiyiinta Bidixda Xagjirka ahi aysan isla markiiba saxiixin heshiis garoomadeenna diyaaradaha, mar kale...
Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa dowladda federaalka Soomaaliya ku eedeeyey inay waddo waxa uu ku tilmaamay “duullaan qaawan” iyo faragelin toos ah oo ka dhan ah maamulka uu hoggaamiyo. Khudbad uu maanta u jeediyey ciidamo cusub oo  tababar loo soo xiray, ayuu madaxweyne Laftagareen sheegay in dowladda...
Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug, Cali Daahir Ciid, ayaa sheegay in Galmudug ay diyaar u tahay inay door ka qaadato xallinta xiisadda u dhexeysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed. Cali Daahir Ciid ayaa sheegay in Galmudug ay “gogol u dhigayso” labada dhinac, si dib loogu soo celiyo wadahadal...
Ciidanka Daraawiishta Jubbaland ee ka howlgala degmada Afmadow ayaa fuliyay howlgal qorshaysan oo lagu beegsaday deegaanno ku teedsan woqooyiga magaalada, halkaas oo ay ku soo qabteen xubin ka tirsan Al-Shabaab oo ku dhuumaaleysanayay howdka. Howlgalkan ayaa yimid kadib markii ciidamada ay heleen xog ku saabsan dhaqdhaqaaqyo ay sameynayeen xubno ka...
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay weerarro ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha layn ee laga leeyahay Iran Israa'iil iyo areykanka, kuwaas oo lagu qaaday warshadaha tamarta ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Qatar, iyo Imaaraatka Carabta.iyo kuwa Iran. War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay...