Urur Siyaasadeedka Dadka Soomaaliyeed oo Warsaxaafadeed ka Soo Saaray War ka Soo Baxay Xukuumadda Federalka ku Sheegay Mid Baal Marsan Shuruucda iyo Xeerarka Qaranka.

0
2

WAR-SAXAAFADEED.

Ururka Siyaasadeedka Dadka Soomaaliyeed

Taariikh: 16 Luulyo 2026

Ururka Siyaasadeedka Dadka Soomaaliyeed wuxuu si cad u sheegayaa in uusan waafaqsanayn warka ka soo baxay Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee la xiriira xil ka-qaadista Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Qaranka Soomaaliya.

Ururku wuxuu aaminsan yahay in tallaabo kasta oo saameynaysa hay’adaha madax-bannaan iyo ururrada bulshada rayidka ah ay tahay in lagu saleeyo Dastuurka, shuruucda dalka iyo habraacyada u degsan hay’adahaas.

War-saxaafadeedka Ururka ayaa lagu yiri:

“Warka ay Xukuumaddu maanta soo saartay waa mid aan la jaanqaadi karin marxaladaha siyaasadeed, dhaqaale iyo diblomaasiyadeed ee dalka iyo caalamkuba marayaan. Haddii ay Xukuumaddu doonayso in ay wax ka qabato hoggaanka Rugta Ganacsiga Qaranka Soomaaliya, waa in ay u maraysaa waddooyinka uu sharcigu dhigayo.”

Ururka Dadka Soomaaliyeed wuxuu xusay in, sida uu ururku u fahamsan yahay, hoggaanka Rugta Ganacsiga Qaranka Soomaaliya lagu soo doorto habraacyada iyo xeerarka u yaalla Rugta, iyadoo ay doorashadaas ka qeyb qaataan xubnaha ganacsatada ah ee ka tirsan Rugta. Sidoo kale, Ururku wuxuu tilmaamay in Rugta Ganacsiga Qaranka Soomaaliya ay ka mid tahay hay’adaha bulshada rayidka ah isla markaana ay xiriir iyo xubinnimo la leedahay ururro iyo goleyaal ganacsi oo heer caalami ah.

Ururka Dadka Soomaaliyeed wuxuu ku baaqayaa in dhammaan hay’adaha dowladda ay ilaaliyaan kala dambeynta hay’adaha, madax-bannaanida ururrada sharciyeysan iyo ku dhaqanka Dastuurka, shuruucda iyo xeerarka dalka.

Ugu dambeyn, Ururka Dadka Soomaaliyeed wuxuu ugu baaqayaa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya inay dib ugu soo laabato ku dhaqanka sharciga, isla markaana ay ka fogaato tallaabo kasta oo dhalin karta muran sharci iyo mid hay’adeed, si loo ilaaliyo kalsoonida shacabka iyo sumcadda hay’adaha qaranka.

“Sharcigu waa saldhigga dowladnimada, waxaana waajib ah in dhammaan hay’adaha dowladda iyo kuwa madaxa-bannaan ay ku dhaqmaan shuruucda dalka.”

Dhamaad

Xafiiska Guddoomiyaha
Ururka Siyaasadeedka Dadka Soomaaliyeed
Cali Maxamed Nuux (Timajilic).