Hub Qiimihiisu Ku Dhawyahay Labo Bilyan oo Dawladda Mareykanku Ogolaatay in laga iibiyo Dalka Sucuudiga.

0
4

Dowladda Maraykanka ayaa ansixisay heshiis hub oo lagu qiyaasay ku dhowaad US$2 bilyan, kaas oo loogu talagalay in lagu xoojiyo difaaca cirka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya, xilli ay sii kordhayaan xiisadaha amni ee Bariga Dhexe.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa sheegtay in heshiiskan oo qiimihiisu yahay US$1.96 bilyan uu taageerayo ujeeddooyinka siyaasadda dibadda iyo amniga qaranka ee Maraykanka, isla markaana uu sare u qaadayo awoodda difaac ee Sacuudiga oo Washington u aqoonsan xulafo muhiim ah oo ka baxsan NATO.

Hubka la ansixiyay waxaa ka mid ah ilaa 20,000 oo Nidaamyada Gantaallada ee Lagu Beegsado Badhtilmaameedyad (APKWS) iyo madaxyadooda, kuwaas oo loogu talagalay in si sax ah loogu beegsado badhtilmaameedyada iyadoo la yaraynayo khasaaraha soo gaadha dadka rayidka ah iyo burburka ka dhasha dagaallada. Shirkadda BAE Systems ayaa noqon doonta qandaraaslaha ugu weyn ee fulinaya heshiiska.

Maamulka Maraykanka ayaa sheegay in iibkan uu kor u qaadi doono awoodda Sacuudiga ee ka hortagga khataraha hadda jira iyo kuwa mustaqbalka, isla markaana uu xoojin doono wada shaqaynta ciidan ee u dhexeysa Sacuudiga, Maraykanka iyo xulafadooda gobolka.

Go’aankan ayaa imanaya xilli ay cirka isku sii shareerayaan xiisadaha u dhexeeya Sacuudiga iyo fallaagada Xuutiyiinta ee Yemen, kadib markii Xuutiyiintu ay gantaallo ku weerareen garoonka diyaaradaha ee magaalada Abha. Weerarkaas ayaa daba socday duqayn lagu qaaday garoonka diyaaradaha ee Sanca, taas oo Xuutiyiintu ku eedeeyeen Sacuudiga inuu ka dambeeyay.

Sidoo kale, heshiiska hubka ayaa ku soo beegmaya iyadoo Maraykanku uu kordhiyay cadaadiska militari ee uu ku hayo Iran, kadib markii uu dib u soo celiyay go’doomin dhinaca badda ah iyo weerarro cusub oo lala beegsanayo Tehran. Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in iibinta hubkan ayna wax saamayn ah ku yeelan doonin diyaar-garowga ciidamadeeda.