Monday, September 7, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Xidhibaannada Baarlamanka Maamulka Koonfur-galbeed Somalia ayaa maanta billaabay inay soo doortaan xubnaha Maamulka ku Meteli doona Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka. Xubnaha ku Tartamaya Sideedda Kursi ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka uga soo Aadaysa maamulka Koonfur-galbeed ayaa ku taramaya 16 musharrax oo laba musharrax oo kasta ay ku tartamayaan hal...
Xildhibaannada Baarlamaanka Maamulka Puntland ayaa maanta billababay inay dhageystaan khudbadaha Musharraxiinta u Tartamaya Aqalka Sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ee dhismihiisu socdo. Musharraxiinta u tartamaya xilka ayaa waxay tiradoodu gaaraysaa 29-xubin oo ay ku jiraan Toban Haween ah. Waxaana laga doonayaa inay xubnahaan kasoo baxaan 11-xubnood oo laga doonayo Puntland. Sidoo...
Tirada dhimashada dagaalkii shalay Afgooye ka dhacay ayaa sare u kacday. Tirada ayaa haatan gaadhay 11. Dagaalka ayaa ku bilowday qarax gaari lagu soo rakibay. Dadka dhintay ayaa waxaa ku jira shaqaale dawlada Soomaaliya u shaqeynaayay. Qaraxa ayaa waxaa daba socotay rasaas xooggan ayadoo goobaha la weeraray uu ku jiray saldhig...
Isbitaalka Madiina ee Muqdisho ayaa maanta lasoo gaarsiiyay maydadka ugu yaraan Lix Ruux iyo dhaawaca sideed kale, kuwaas oo laga soo qaaday Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellada Hoose. Agaasimaha Caafimaadka ee Isbitaalka Madiina, Duniyo Cali Maxamed oo la Hadashay warbaahinta ayaa sheegtay in dhaawacyad lasoo gaarsiiyay ay xaaladooda caafimaad oo...
Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose waxaa goordhow si toos ah uga bilaabatay doorashada xubnaha aqalka sare kamid noqon doona, ayadoo ay ku tartamayaa ku dhawaad 17 musharax. Xubnahan tartamaya ayaa waxaa u codeeynaya xildhibaannada baarlamanka Jubaland, waxaana goobta ku sugan xubno ka socda gudiga doorashooyinka dadban ee heer federaalka...
Shir-weynihii Golaha Dhexe ee xisbiga mucaaradka ah ee WADANI, ayaa maanta ka furmay hoolka weyn ee hoteel Maansoor ee magaaladda Hargeysa. Shir-weynahaan, ayaa dhawr jeer oo dib u dhacay si loo xaliyo muramo xisbiga dhexdiisa ka jiro, isla markaana loo yareeyo khilaafyadda ka dhalan kara shirkan golaha dhexe oo lagu...
Madaxweynaha Maamul-gobolleedka Galmudug oo shir jaraa'id ku qabtay degmada Cadaado, ayaa ka dalbaday Ugaas Xassan Ugaas Khaliif in uu taageero maamulka Hir-shabeelle. Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa ka mid ahaa wafdigii ka qaybgalay doorashada madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa maamulka Hir-shabeelle oo xallay lagu qabtay Jowhar. “Waxaan ognahay in Ugaas Xassan Ugaas Khaliif uu...
Musharixiinta u tartameeysa kamid noqoshada Aqalka sare ee baarlamanka dalka ayaa maanta khudbado ka horjeediyay mudaneyaasha baarlamanka Jubaland, ayagoo soo bandhigay waxyaalaha ay qaban doonaan hadii ay ku guuleystaan xilkaasi. Musharixiinta u tartameeysa kamid noqoshada golaha aqalka sare ayaa waxaa kamid ahaa Madaxweeyne kuxigeenkii hore ee Jubaland Mudane C/laahi Sheekh...
Shan sano kadib dilkii loo geystay Mucamar Al-Qadaafi ayaa burbur xooggan ku dhacay dalkaa Libiya. Waxay haatan dadka caasimda Libiya ee Tripoli iyo guud ahaan dalkaa oo dhan sheegayaan in ay tabayaan Qadaafi iyo dawladiisii. Waxay sheegeen maalin walba in ay haatan wajahaan nolol adg, dagaalo, geeri iyo jahwareer. Dadka caasimada...
Xukuumadda Somalia, ayaa maanta ugu baaqday maamulka Hir-Shabeelle inuu dadajiyo xulista xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, kaddib markii shalay degmada Jowhar ee Gobolka Shabeellada Dhexe lagu doortay Madaxweynaha iyo ku xigeenka maamulkaas. Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya, C/raxmaan Xuseen oo ka hadlayay Magaalada Jowhar, ayaa sheegay in Maamulka...