Hab raaca Socdaalka iyo sare u qaadida Aqoonta H/wadeenada Garoomada Soomaaliya oo horumar laga dareemayo.

0
415

Wadan kasta oo ka mid ah Qaramada Adduunkan aynu ku nool nahey waxa uu leeyahey Hab raac socdaal oo u gaar ah kaas oo u kala baxa midka gudaha dalka dhexdiisa ah iyo mid uu la wadaago dunida inteeda kale iyadoo ay sii dheertahey laguna kala horeeyo Aqoonta iyo waayo aragnimada ay u leeyihiin hawlwadeenada iyo shaqaalaha ka shaqeeya Garoomada.

Hadaba tan iyo waqtiyadii bur burka soomaaliya dalkeenu waxa uu soo marey marxalado kala duwan,hase yeeshee malaheyn dalkeena soomaaliya arimaha aan kor kusoo sheegney,waxaana nasiib wanaagsan ah in maanta uu billaabo Taliyaha Laanta Socdaalka iyo jinsiyadaha Dawlada federaka Soomaaliya G/sare Maxamed Aadan Jimcaale Koofi,isagoo taas ka duulayana taliyuhu waxa uu beryahan kormeer iyo u kuur gal u tegayey qaar kamid ah Maamul goboleedyada dalka Soomaaliya ka jira.

Taliye Koofi ayaa doonaya in maamul goboleedyada iyo dawlada dhexe garoomada ay maamulaan noqdaan kuwo isku ujeedo ah oo wadaaga hab raaca Socdaalka u degsan dalka Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya isla markaasna sare loo qaado aqoonta shaqaalaha iyo hawl wadeenada Garoomada dalka.

Ugu danbeyntiina Taliye Koofi ayaa maalin ka hor kasoo laabtey Maamul goboleedka Galmudug xaruntiisa KMG ee cadaado iyadoo la filayo in kuwo kalena uu dhawaan gaaro,waxaana muuqaneysa in taliye Koofi uu qaadey  waddo keenta in dalku yeesho Hab raac socdaal oo mideeya Garoomada dalka oo dhan isla markaasna ay noqdaan shaqaalaha ka hawl galaa kuwo awood u leh in ay gutaan shaqo aqoon karti iyo hufnaan salka ku heysa.

warsom2011@gmail.com

beccosalaam-banktabaarak