Maanta ayaa lagu waddaa in magaalada Jowhar ka dhacdo doorashada xubnaha aqalka sare ee dowlad gobolleedka Hirshabeelle, kaddib markii xal laga gaaray khilaaf labadii maalmood ee la soo dhaafay ka taagnaa habka loo soo xulay musharixiinta.
Madaxweynaha maamulka Hir-shabeelle Cali C/llaahi Cosoble ayaa liiska xubnaha aqalka sare ka saaray musharixiin markii hore magacyadooda lagu soo daabacay, kaddib markii arintaa ay dood xoog leh ka keeneen xildhibaannada maamulka oo ka biyo diiday qaabka uu madaxweynaha u soo xullay musharixiinta.
Guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabeelle Cismaan Barre Max’ed ayaa warbaahinta u sheegay in maanta la soo doornayo xubnaha qalka sare, waxaana ka hor inta aysan bilaaban doorashada la dhageysan doonaan khudbadaha musharixiinta.
“Xildhibaannada marka ay fadhiga ku soo xaadiraan waxaa la dhageysan doonaan khudbadaha musharixiinta, gallinka danbe ee maantana waxaa bilaabaneysa doorashada” ayuu sheegay Cismaan Barre Max’ed.
Ugu danbeyntii, markii ugu horeysay xildhibaannada Hirshabeelle ayaa diidmo kala hor-yimid wareegtadii madaxweynaha maamulka uu Jimcihii la soo dhaafay ku magacaabay liiska musharixiinta aqalka sare.
warsom2011@gmail.com








