Ugu yaraan 20-qof ayaa ku geeriyooday, tiro intaa ka badanna way ku dhaawacmeen Dagaallo maanta ciidanka Galmudug iyo kuwa Puntland ku dhexmaray Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.
Dagaalka ayaa billowday kaddib markii uu jabay heshiis hordhac ah oo Hoggaamiyeyaasha labadan maamul ee Puntland iyo Galmudug, ay ku kala Saxiixdeen Magaalada Abu-Dhabi ee Waddanka Isug-tagga Imaaraadka Carabta.
Sidoo kale, Wararka ayaa intaas ku daraya in dagaalku weli uu socdo, dhinacyaduna dirirtu u dhaxaysana ay isku gaysteen khasaare maal iyo mowd-ba leh, iyadoo labada dhinacba ay eedemo isku marinayaan warbaahinta ayna isku eedeynayaan dagaalkan dib u qarxay.
Goob-jooge ku sugan Degmada Gaalkacyo ayaa HOL u sheegay inuu arkay khasaare isugu Gaadiid iyo Guryo la gubay oo ka dhacay xaafadaha degmada Gaalkacyo, halkaas oo ay ka aarimiyeen labada maamul ee uu dagaalku u dhexeeyo, Puntland iyo Galmudug.
Wararka ayaa sheegaya, in Ciidamada Dirirtu dhex-marayso ay hadda ku kala sugan yihiin goobihii horay fariisimaha ugu ahaa, mana jiro goobo ay labadan Dhinaca kala Qabsadeen, marka laga so tago is-riix-riix dhacday ay is-riixayeen intii uu dagaalkku socday.
Dhinaca kale, Maamullada Isbitaallada Koonfurta & Waqooyiga degmada Gaalkacyo ayaa ku warramaya in lasoo gaarsiiyay illaa 80-qof oo dhaawac ah, iyadoo aanan weli la xaqiijin sida dhaawacyadaas u kala daran yihiin, inta shacabka ah iyo meelaha ay wax kasoo gaareen.
Ugu dambeyn, Dagaalkan ayaa kusoo beegmayaa xilli Puntland ay ka socoto doorashada Aqalka Hoose, Isla markaana Madaxda Maamullada Galmudug iyo Puntland aysan wax mas’uuliyad ah iska saarin dadka faraha badan ee ku barakacay dagaallada ka soconaya Gaalkacyo Toddobaadkii Shanaad.
warsom2011@gmail.com








