Ciidamada dalka Jarmalka oo islaamiyiin laga dhex goobayo.

0
590

Dowladda Jarmalka, ayaa sheegay in Nabad-sugiddu baari doonto Ciidanka la qori doono marka la gaaro xagaaga soo socda. Tallaabadan waxa la qaadayaa ka dib markii baaritaan Sirdoonka wadeen lagu ogaaday inay ciidanka qalabka sida ee Dalkaas ku jiraan 20 Askari oo Islaamiyiin ah.

Afhayeen u hadlay kooxda baaritaanka waday ayaa tiradaa xaqiijiyay wuxuuna ku daray in su’aalo la waydiin doono 60 askari oo kale oo lagu tuhunsanyahay in ay Islaamiyiin yihiin.

Warbaahinta qaarkeed ayaa sheegtay in todobaadyada inagu soo foodda leh baarlamaanka Jarmalku ka doodi doono sharci u fasaxaya dowladda inay baaro dhamaan askarta ciidanka oo su’aalo waydiiso si looga hortago isku dayga kooxda Dowladda Islaamku ku doonayso in ay ku dhexgalaan ciidanka si xubnahoodu u helaan tababa milatari.

Sidoo kale, Afhayeen u hadlay Wasaarada Difaaca Jarmalka ayaa sheegay in xeerka haatan lagu dhaqmaa dhigayo in askarta la baadhi karo marka la ciidanka la qor uun ka dib, iyo in ay tahay in marka hore qofka Askarinimada Codsanaya uu Booliiska kasoo qaato Warqad caddeynaysa inaanu dambi lahayn.

Ugu dambeyn, Laanta Sir-doonka milatariga ayaa sheegtay in saraakiisha u xilsaaran shaqo qorista ciidanka ay soo gaadheen Codsiyo aanay Tiradooda cayimin oo ay soo Gudbisteen dad hore u codsaday in ay ku biiraan booliska dhawr bilood ka hor isla markaana xamaasad dheeri ah u qaba inay helaan tababar millateri.

warsom2011@gmail.com

beccosalaam-banktabaarak