Monday, September 7, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Dagaallo iyo duqeymo culus ayaa mar kale dib uga soo cusboonaaday Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudud, kuwaasoo u dhexeeya ciidan ka kala tirsan Maamullada Galmudug iyo Puntland. Madaafiic kala duwan oo ay dhinacyadu isku adeegsanayaan ayaa ku dhacaya inta badan xaafadaha Gaalkacyo ay ka kooban tahay, kuwaasoo Dadweynihii ku noolaa...
Waxaa Xabsiga laga sii daayay Maanta Wariyihii TV-ga Al-Jazeera Qaybtiisa English, Xamza Maxamed iyo laba Ruux oo lala xiray oo lagu kala sheegay darawal iyo filim-qaadihiisii, kaddib markii habeen hore ay Ciidanka Amniga Dowladda Federaalka Soomaaliya xabsiga u Taxaabeen. Sidoo kale, Wararka ayaa intaas ku daraya in sii-daynta wariyahan iyo...
Musharraxa Xisbiga Jamhuuriga ee Mareykanka, Donald Trump ayaa diiday ballanqaadida in uu aqbalayo natiijadda doorashada bisha soo socota ka dhici doonta Maraykanka, xilli uu dood kulul la yeeshay Hillary Clinton. Donald Trump ayaa ku celiyay eedeyntiisa ahayd in nidaamka doorashada looga shubtay, wuxuuna sheegay in uu arki doono sida ay...
Masaajidka Arbaca Rukun ayaa dib loo furay kadib muddo dheer oo uu xirnaa. Masaajidka Arbaca Rukun ayaa ah masjid qadiimi ah. Wuxuu masaajidkaasi dhisnaa muddo 771 sano ah.  Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Yuusuf  Xuseen Jimcaale ayaa shalay xariga ka jaray masjidka qadiimiga ah ee Arbaca Rukun ee Degmada...
diyaar garowga doorashada Soomaaliya ayaa wali socda aydoo lasoo tebinaayo caqabado aad u badan. Diyaargarow ayaa waxaa loogu jiraa sidii loo dooran lahaa madaxweyne  iyo xubnaha labada aqal. Doorashadaa ayaa la filayaa inay dhacdo bisha soo socota.   Wakiilka Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating ayaa sheegay in ay...
Maanta ayaa waxaa shan sano laga joogaa dilkii loo geystay hoggaamiyihii Liibiya Mucamar Al-Qadaafi. Shan sano kadib dilkii loo geystay Mucamar Al-Qadaafi ayaa burbur xooggan ku dhacay dalkaa Liibiya. Waxay haatan dadka caasimda Liibiya ee Tripoli iyo guud ahaan dalkaa oo dhan sheegayaan in ay tabayaan Qadaafi iyo dawladiisii. Waxay sheegeen...
Gudoomiyaha isbaheysiga xisbiyada siyaasada soomaaliya Cali Maxamed Nuux timajilic oo caawa la hadley warbaahinta ayaa wax laga xumaado ku tilmaamey xariga sadex wariye oo midkood u shaqeeyo TVga ALJAZIIRA halka labada kale ay ahaayeen wariyeyal madax banaan oo muqdisho si fiican looga yaqaano. Gudoomiyaha ayaa sheegey in ay cabaareynayaan xariga...
Maamullada Puntland iyo Galmudug ayaa beeniyeen in Dowladda Itoobiya ay soo dhex-dhigtay heshiis ku aaddan Dagaalladii dhawaan labadan maamul ku dhexmaray Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug. Wasiirka Amniga Maamulka Galmudug Cismaan Ciise Nuur , ayaa sheegtay inay Saraakiil ka socota Dowladda Itoobiya dhex-dhigeen Heshiis hordhac ah oo ku aaddan...
Musharraxa Xisbiga Jamhuuriga ah ee Mareykanka, Donald Trump ayaa ku Casuumay Nin ay Walaalo yihiin - Mmadaxweynaha Mareykanka Barack H. Obama inuu ka mid noqdo Martida ka Qayb-galeysa Doodda Sadaxaad ee ugu dambeysa ee uu Donald Trump caawa Las Vegas kula yeelanayo Murashaxa ay is-hayaan ee Xisbiga Dimuqraadiga Hillary...
Beesha caalamka ayaa mar kale walaac xoogan ka muujisay kaalintii ay dowladda Somalia ku lahayd doorashadii madax-tinimo ee maamulka Hirshabeele ,taasi oo lagu qabtay magaalada Jowhar todobaadkan . Ma jiro ilaa iyo hadda war- rasmi ah oo ka soo baxay beesha caalamka oo lagu taageerayo maamulkan ,tan iyo markii la...