Monday, September 7, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Sanadkii labaad ee labo sano oo isku xiga ayaa Soomaaliya waxay noqotay nambar kow dalalka wariyeyaasha loogu leyn badan yahay.   Sidaa waxaa yiri ururka udooda saxafiyiinta ee caalamiga ah ee CPJ. Warbixin uu soo saaray shalay Khamiistii ayaa ururkaasi CPJ ku xusay in dalalka leynta suxufiyiinta Soomaaliya ku xiga ay...
Dowladda Saudi Arabia, ayaa ku eedeysay Fallaagada Xuutiyiinta ee Yemen ka dagaalama inay Gantaal kuwa Ridada dheer ah ku Tureen dhanka Magaalada barakeysan ee Maka Al-mukarama. Wakaaladda Wararka Sucuudiga, ayaa sheegtay in Gantaalka lagu soo riday meel dhexe oo 60-km u jirta Magaalada barakaysan uusanna wax khasaare ah geysan. Sidoo kale,...
Madaxweynaha Ddalka Ruushka, Vladimir Putin ayaa ku tilmaamay eedeymaha ku aaddan in dalkiisu fara-gelin ku hayo doorashada Maraykanka kuwo aan macno lahayn oo been abuur ah, wuxuuna intaas ku daray in Moscow aysan kala xigsanayn Musharraxiinta u tartamaya doorashada Aqalka Cad ee dalka Mareykanka. Putin, ayaa hadalka sheegay xilli xiriirka...
Kenya ayaa Khamiistii shalay bilowday inay bandow kusoo rogto degmada Mandheera. Bandowga ayaa lagu adkeynayaa ammaanka degmadaa oo indhawaale dhibaatooyin ay soo food saareen. Bandowga ayaa soconaya min 6da galabnimo ilaa 6da aroornimo maalin walba. Bandowga ayaa socon doona inta ka harsan sanadkaan sida laga soo xigtay Wasaarada Arimaha Gudaha ee...
Munaasabad xarigga looga jarayay dhismaha cusub ee Wasaaradda Maaliyadda Somalia, ayaa maanta lagu Qabtay Muqdisho, iyadoo Xaruntan uu xarigga ka jaray Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheikh Maxamuud, waxaana goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin kala duwan oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya. Wasiirka Maaliyada Xukuumadda Federaalka Somalia Maxamed Adan Ibraahim ayaa sheegay...
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaliya, C/salaan Hadliye Cumar, ayaa maanta saxiixay Heshiiska Ururka Mideeya dalalka dhaca badweynta Hindiya ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan IORA. Intii uu socday shirweynihii wasiirada Dalalka ururkaasi oo lagu qabtay Jaziiradda Bali ee dalka Indonesia. Saxiixidda heshiiskan wuxuu micnihiisu yahay in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay...
-Dawlada Kenya ayaa shaaca ka qaaday in ay qaadeyso tillaabooyin lagu adkeynayo xadka Kenya iyo Soomaaliya wadaagaan gaar ahaan dhanka gobolka Waqooyi-bari. Dawlada Kenya ayaa go'aansatay arinkaa kadib weerar labo cisho ka hor ka dhacay magaalada xadka ku taala ee Mandheera. Weerarkaa ayaa waxaa soo qaaday dabley loo maleeyay Al-Shabaab...
Guddoomiyihii Hore ee Gobolka Hiiraan, Yuusuf Axmed Xagar ayaa dhaliilay Qaabkii xilka looga qaaday, isagoo xusay inaan lagu war-gelin xil-ka-qaadistiisa uuna ka maqlay warbaahinta oo keliya. Yuusuf Daba-geed, ayaa sheegay in xil-ka-qaadistiisa ay deg-deg ku jirtay, isla markaana aan la gaarin waqtigii madaxweynaha Hir-shabeelle uu xilal ka qaadi lahaa...
Jaamacad loogu magac-daray 42, oo magaceeda la sheegay in laga keenay macnaha nolosha, isla markaana ka timid Filimka Taxanaha ah ee Hitchhiker's Guide to the Galaxy, ayaa laga furay gobolka California ee dalka Mareykanka. Jaamacada Maraykanka oo qayb ka ah jaamacad ku taala dalka Faransiiska oo ay isku magac yihiin,...
Baanka horumarinta ee qaaradaan Afrika AfDB ayaa ansixiyay qarash loogu tala galay horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha ee Soomaaliya. AfDB ayaa qalinka ku duugay qaab shaqo oo lagu hirgalinaayo qasnada kaabeyaasha Soomaaliya. Dagaalka sokeeye ee qaatay in ka badan rubuc qarniga ayaa saamayn ba'an ku yeeshay kaabeyashii dhaqaalaha ee Soomaaliya sida jidadka iyo...