C/fitaax Xassan Afrax guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Hiiraan oo dhawaan magaalada Jowhar uga dhawaaqay in uu yahay musharax u taagan qabashada kursiga aqalka hoose ee beeshiisa, ayaa maanta laga saaray hoolka doorashada magaalada Jowhar.
Warka arrintan ku saabsan markii uu soo baxay ayaan xiriir la sameynay C/fitaax Xassan Afrax oo Warbaahita u sheegay in amarka loogu diiday in uu u tartamo aqalka hoose uu bixiyay madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble.
”Meesha wax doorasho lagu tilmaami karo oo ka socda malaha, xabad ayaa leygu riday, xoog ayaana leyga soo saaray hoolka doorashada, amarkaasna waxaa bixiyay madaxweynaha maamulka Hirshabeelle ayuu yiri” C/fitaax Xassan Afrax oo intaa raaciyay in uu hadda ku sii jeeddo magaalada Muqdisho.
Dhinaca kale, waxaa uu ku eedeeyay guddiga doorashada in ay halkaa ka waddaan musuq-maasuq baahsan, madaama ayuu yiri la keenay goobta doorashada ergo aan aheyn kuwii markii hore ku qornaa liiska.
Ilo xog-ogaal ah oo ku sugan magaalada Jowhar oo aan la hadalnay siddoo kale ayaa inoo sheegay in liiska musharixiinta kursiga ku tartamaya uu markii hore ka soo dhax muuqday C/fitaax Xassan Afrax, hasse ahaatee markii danbe laga saaray goobta doorashada.
Ugu danbeyntii, nooma suurtagalin in aan helno mas’uuliyiinta maamulka Hirshabeelle si aan wax uga weydiino eedeynta loo jeedinayo iyadoo beryahan ay soo baxayeen cabashooyin ka soo baxaya Musharaxiin ,ergooyin iyo odey dhaqameedyo kasoo kala jeeda Maamul goboleedyada doorashooyinka dalku ka socdaan.
warsom2o11@gmail.com








