Dawlada Kenya ayaa damacsan inay dadajiso dhismaha derbiga xadka kala dhexeeya Soomaaliya.
Kenya ayaa khaasatan damacsan dadajinta 30 km oo gidaarkaa ah si Al-Shabaab weeraradooda loo hakiyo. Saraakiil ka tirsan dawlada Kenya ayaa sidaa sheegay shalay Jimcihii.
Guddoomiyaha degmada Mandheera Fredrick Shisia ayaa warbaahinta u sheegay in gidaarkaa gebi ahaanba la...
Kadib markii asbuucii lasoo dhaafay xarakada Daacish ay qabsatay magaalada Qandala ayaa haatan waxaa halkaa ka bilowday barakac baahsan.
Dadka ku dhaqan Qandala ayaa isaga baxaya magaaladaa iyo deegaanada ku xeeran ayagoo ka baqaya in Daacish ay bartilmaansato ama dagaalo hadii halkaa ay ka dhacaan ay ku waxyeeloobaan.
Haatan ayaa barakacayaashii...
-Waxaa soconaya baaritaankii labaad oo FBI-da Mareykanka ay ku sameynayaan email-lada musharaxa madaxweynaha xisbiga dimuquraadiga Hillary Clinton, waqtigii ay aheyd xog-hayaha arrimaha dibada dalka Mareykanka.
Agaasimaha Hey’adda FBI-da James Comey ayaa sheegay inay dib u furayaan baaritaanka kiiska Email-lada Hillary Cinton, isagoo warqad u diray xubnaha Congress-ka ee ka tirsan...
Ciidamada iyo maamulka Puntland oo ku goodiyey in ay cagta marin doonaan Daacishta Qandala qabsatey.
-Ciidamada Puntland ayaa wacad ku maray inay dib ugala wareegi doonaan Qandala Daacish.
Madaxweyne C/Wali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in ciidamada Puntland ay iska caabin doonaan fallaagada Daacish.
“Puntland way is difaacdaa mar walba wayna is difaaci doontaa. Daacish ma heysan kadho Qandala; taasaan idinka ballan qaaday". Sidaa ayuu yiri.
Haatan...
Maanta ayaa lagu waddaa in la soo saaro liiska musharixiinta xubnaha aqalka sare ku matallaya maamulka dhawaantan la dhisay ee Hir-shabeelle, waxaana lagu waddaa in liiska ay ka soo dhax muuqdaan siyaasiyiin ka soo kala jeedda labada gobol.
Madaxweynaha maamulka Hir-shabeelle ku-xigeenkiisa iyo guddoonka baarlamaanka maamulka ayaa maalmihii ugu danbeeyay...
Safaarada Mareykanka ee Nairobi ayaa maanta xiran kadib markii nin lagu dilay horteeda.
Waxaa xiran dhammaan qeybaha kala duwan ee safaarada oo ay kujidho qeybta qunsuliyada. Ninka ayaa halkaa lagu dilay shalay kadib markii uu askari booliis ah ku muday tooreey asagoo sida la sheegay isku dayayay inuu safaarada qasab...
Ciidanka Dowladda Somalia, ayaa la sheegay inay ka fuliyen hawl-gallo qorsheysan oo ka dhan ah Al-shabaab deegaano ku dhaw Afmadow iyo Baardheere oo ka kala Gobollada Jubbada Hoose iyo Gedo, sida laga soo xigtay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Dowladda Federaalka Somalia.
Hawl-galladan ayaa la sheegay inay gacan ka geysteen ciidammo...
Xeer Ilaaliye ku xigeenkii Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya, Col. C/llaahi Xuseen Maxamed ayaa u geeriyooday maanta dhaawac dhamaadkii bishii lasoo dhaafay ay Muqdisho ugu geysteen dabley ku weeraray gaarigiisa xilli uu marayay meel ku dhaw xarunta madaxtooyada Somalia.
Weerarka lagu dhaawacay xeer-ilaaliye ku xigeenka maanta geeriyooda ayaa dhacay...
-Hayada Laanqeyrta Cas (ICRC) ayaa raashin u qeybisay 60 kun oo dagaaladii dhawaan Gaalkacyo ka dhacay ay barakiciyeen.
ICRC ayaa dadkaa gaarsiisay raashin isugu jira bariis, digir iyo saliid. Qaar ka tirsan 34 kun oo dadkaa ka tirsan ayaa iyana lasiiyay maro kaneecooyin, maacuun iyo jirgaano iyo weliba agabyo kale...
Dadka ku dhaqan deegaanka Ceel Baraf ee gobolka Sh/dhexe, ayaa dalbanaya in lala gaaro biyo nadiif ah, kaddib markii ceelashii ay ka cabi jireen dadka iyo duunyada qarxiyeen xarrakada Al-shabaab.
Guddoomiyaha deegaanka Ceel Baraf Muuse Sharwey Gaaboow ayaa sheegay in deegaanka ay ka jirto sidda uu hadalka u dhigay dhibaato...


















