Laanta Afka Soomaaliga ee BBC oo ballaarintii ugu weyneyd lagu sameynayo.

0
404

Laanta BBC-da ayaa balaarin ku samaysay xarumaheeda ku yaala daafaha dunida ,waxaana arintan looga dan leeyahay in BBC-du ay gaarto dad ka badan malaayiin qof oo qaarkood ay ku nool-yihiin wadamo saxaafad-du aysan xor ahayn.

BBC-da ayaa soo kordhisay lix luuqadood oo kala ah Pidgin ,Yoruba,Igbo ,Axmaari ,Afaan ,Oromo iyo waliba luuqad-da Tigreega ,iyadoo sidoo kale horumarin lagu sameeyay qaybaha la hadla Somalida ,Itoobiyaanka iyo waliba Ereteriyaanka.

Adeegyadan cusub ee ay soo kordhisay BBC- waxaa ku jira mid casri ah oo akhbaaraadkooda lagala socon karo taleefanka gacanta ,kaasi oo ay BBC-du ka hirgalisay wadanka Nigeria,iyadoo qorshahan cusub ee maal-gashi ay ku jirto in la soo saaro saxafiyiin madax banaan oo Afrikaan ah ,kuwaasi oo heli doona tababaro la xiriira xirfad-da saxaafad-da.

Luuqadaha kale ee iyana lagu soo daray BBC-da waxaa kamid Kujraati ,Marathi ,Punjabi iyo Telugu ,waxaana ay tani la macno tahay in BBC-da lagu dhagaysan karo afartan luuqadood oo kala duwan ,kuwaasi oo looga hadlo daafaha caalamka.

Sidoo kale BBC-da oo fadhigeeda yahay Dalka Ingiriiska ayaa horumarin ku samaynaysa dhinaca baahinta muuqaalka iyo tayaynta xogaha la galiyo baraha ay bulshada ku wada xiriirto si loo gaaro dhagaystayaal cusub oo ku soo xirma BBC-da.

Qorshaha balaarinta waxaa ku jirta in BBC-da ay soo kordhiso in ka badan 30 barnaamij oo laga baahin doono wadamada Afrika iyo in sidoo kale luuqad-da Ruushka lagu soo daro laamaha shaqeeya ,iyada oo la shaqaalaysanayo wariyayaal badan oo dalka ku sugan si ay xogta u soo gudbiyaan.

Sidoo kale waxaa BBC-da ay horumarin ku samaynaysaa laanteeda Carabiga ,iyada oo sii dayn doonta barnaamij ku baxaya luuqad-daas oo laga baahin doono dhamaan wadamada ku hadla luuqada Caraba ,waxaana dhinaca kale horumarin lagu samayn doonaa hirarka idaacadda si loo gaaro labada Kuuriya.

“Maanta waxa ay BBC-da u tahay maalin taariikhi ah ,waayo waxaan ku dhawaaqnay balaarintii ugu weneyd ee lagu sameeyo idaacad-da tan iyo sanadkii 1940-kii , Laanta BBC-du qiimo weyn ayey ugu fadhidaa Biritin. “ ayuu yir Tony Hall oo ah maareeyaha guud ee BBC-da.

“Tani waa talaabo horey loo qaaday ,taasi oo ku salaysan in BBC-du ay u adeegto si madax banaan oo dhex-dhexaad ah ,isla markaana ay goob madadaalo u noqoto nus bilyan qof oo ku nool daafaha dunida “ ayuu yiri mar kale yiri Hall.

Francesca Unsworth oo ah madaxa laanta BBC-da ee la hadasha caalamka ayaa sheegay in adduunka in badan oo kamid ah uu ku tiirsan-yahay wararka BBC-da ,isaga oo tilmaamay in qarnigan meelo badan oo caalamka ah lagala socon karo BBC-da.

“ Mashruucan waxaa looga dan leeyahay in la badalo adeeg-ga dibad-da , isla markaana la maalgashado mustaqbalka , waa inaan wado kasta oo dhagaystayaasheena ay noola socon karaan , maanta dad badan ayaa nagu xiran ,waxaana awood u yeelan doonaa inaan horumarino shaqo walba oo aan qabano” ayuu isna yiri Francesca Unsworth.

Ugu danbayn, Qorshayaasha kale ee la xusay ee ay BBC-du ku talaabsatay waxaa kamid ah in sidoo kale qaybta English-ka la balaariyo ,iyada oo laga duulayo hirgalinta barnaamijka lagu kordhiyay luuqadaha ay ku hadli doonto idaacad-da iyo TV-ga BBC-da.

warsom2011@gmail.com

hormuud-logobeccosalaam-banktabaarak