Cadaado oo maanta lagu toogtey mid ka mid ahaa ergo la filayey in ay wax doortaan

0
572

Wararka naga soo gaaraya magaalada Cadaado ayaa sheegaya in halkaa goor dhaw ciidammada AMISOM ku toogteen mid ka mid ah ergada doorashada, kaddib markii sidda la sheegay ay ka shakiyeen.

Toogashada ciidammada AMISOM ayaa dhacday xili halkaa ka soctay doorasho, taasoo keentay in musharixiintii goobta ku sugneyd iyo ergadii doorashada goobta ku kala dareeraan, kaddib markii dibada xarunta doorashad laga maqlay rasaas.

Goob jooge ku sugan Cadaado ayaa sheegay in shaqsiga la toogtay uu ka mid ahaa ergada la filayay in ay maanta kala doortaan musharixiinta, hasse ahaatee uu toogasho dilay askari ka tirsan ciidammada AMISOM.

Wararka qaar ayaa sheegaya in uu jiray muran soo kala dhaxgallay maruumka la toogtay iyo askariga toogashada geystay, taasoo keentay uu rasaas ku furo.

Arintan ayaa jahwareer ku keentay hanaankii doorashada, waxaana hadda hakad ku jirra doorashadii la fillayay in ay maanta ka dhacdo magaalada Cadaado.

Ugu danbeyntii, ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay mas’uuliyiinta maamulka Galmudug, guddiga doorashada iyo saraakiisha ciidammada AMISOM,  oo la xiriira falkan dilka ah.

warsom2011@gmail.com

beccosalaam-banktabaarak