Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa si nabad ah gacanta ugu dhigay deegaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud, halkaas oo muddo ka badan 15 sano ay Alshabaab maamulayeen.
Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga Gen, Cabullaahi Cali Caanood, oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay ciidamadu xalay magaalada Wabxo gudaheeda iyo bannaankeeda ka...
Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan kula qaatay wadanka Masar Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Difaaca ee Jamhuuriyadda Ireland Simon Coveney.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kala hadlay Wasiir Simon Coveney xoojinta xiriirka Labada dal, iyadoo Jamhuuriyadda Ireland ay safka hore kaga jirto dowladihii ugu horreeyey ee hoggaankoodu ay Soomaaliya...
Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa ku heshiiyey inay sare u qaadaan xiriirkooda, kaddib wadahadal Jabuuti ku dhex maray Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo dhiggiisa Jabuuti Cabdulqaadir Kaamil Maxamed.
RW Xamza ayaa shalay booqasho rasmi ah oo saddex maalmood ah ku tagay dalka Jabuuti, ka dib casuumaad uu ka...
Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi iyo wasiiru dowlaha Wasaaradaas Ilyaas Cali Xasan ayaa Maanta kulan kula qaatay xarunta Wasaaradda arrimaha gudaha ku xigeenka ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ee dhanka gargaarka iyo Bani'aadanimada Adam Abdelmoula.
Kulanka...
Gudoomiyihii xisbiga mucaaradka Somaliland ee WADDANI ee degmada Sheekh iyo wariyihii muuqbaahiyaha CBA ee degmada, ayay ciidamada amaanku xabsiga dhigeen.
Guddoomiye Maxamed Maxamuud Yuusuf, oo ku howlana qaban qaabinta soo dhawaynta madaxda sare ee xisbiga WADDANI oo dhawaan soo gaadhi doona degmada iyo wariyaha CBA ee degamada oo baahinayay wararka...
Xisbiga mucaaradka Somaliland ee WADDANI, ayaa soo dhaweeyay bayaankii ay waddamada Somaliland ka taageera doorashooyinku kaga hadleen kulan ay la yeesheen madaxweynaha Somaliland 8 bishan.
"Waanu soo dhawaynaynaa bayaankii ay sida wada-jirka ah ay usoo saareen saaxiibada caalamiga ah ee Somaliland, waxaana nu uga mahadcelinaynaa taageeradooda hagarla'aanta ah ee ay...
Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa Galabta la wareegay gacan ku heynta deegaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud oo fariisin muhiim ah u aheyd Al-shabaab.
Dagaal culus ayaa la sheegay iney ciidamada iskaashanaya kula wareegeen deegaanka Wabxo, kadib afar jiho ah oo ay ka galeen ciidanka deegaanka Wabxo,...
Shirkii heerka Wasiir ee Wasaaradaha Gaadiidka iyo Duulista Hawada heer Federaalka iyo Dawlad-gobolleedyada Dalka oo Muqdisho saddex maalin ka socday ayaa la soo gabagabeeyay , waxaa laga soo saaray warmurtiyeed.
Qodobbada warmurtiyeedka waxaa ka mid ah, In la mideeyo siyaasadaha lagu maamullo Gaadiidka dhulka iyo Cirka. In la sameeyo qorshe...
Wararka ka imaanaya degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Maanta Maleeshiyo beeleed hubeysan ay la wareegeen gacan ku heynta garoonka diyaaradaha magaaladaasi.
Ciidanka Maleeshiyo beeleedka la wareegay garoonka degmada Caabidwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa wata hub iyo gaadiid dagaal, kuwaas oo maanta hakad galiyay howlahii duulimaadyada garoonka diyaaradaha...
Ururka Alshabaab ayaa siidaayay sawirro iyo macluumaad ku saabsan weerarkii ay shalay subax ku qaadeen saldhig ciidamada Galmudug ku leeyihiin deegaanka Qaayib.
Warbaahinta faafisa wararka Alshabaab ayaa lagu faafiyay maydadka askarta katirsan ciidamada maaulka Galmudug iyo kuwo mucaawisleyda, kadib markii shalay ay kusoo qaadeen weerar ku billowday qaraxyo ismiidaamin ah.
Alshabaab...


















