Tuesday, April 21, 2026
Guddi dhexdhexaadin ah ayaa ilaa xalay ilaa maanta ku howlan u kala dabqaadida xukuumada iyo mucaaradka Somaliland oo isku khilaafsan wakhtiga la qabanayo doorashooyinka urrurada iyo madaxweynaha. Guddi ka kooban Maayarka Hargaysa Cabdikariin Axmed Mooge, Lataliyaha Madaxweynaha Somaliland Cali Maxamed Waran Cadde, siyaasi Maxamed Nuur Caraale Duur  iyo ganacsade Baarjeex,...
Madaxweynaha dowladda federalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo gabagabeeyay booqashadii rasmiga ahayd ee uu maalmihii ugu dambeeyay ku joogay dalka Eritrea. Madaxweyne Xasan ayaa intii uu ku guda jiray booqashadiisa waxa uu kulamo la qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada badda iyo kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Soomaaliya...
Ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay mooto bajaaj siday qaraxyo iyo laba nin oo la socday. Mootada iyo eedeysanayaasha ayaa laga soo qabtay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, xilli ay doonayeen inay si qarsoodi ah ku soo galiyaan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sadiiq Doodishe...
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud ayaa kala diray golihii dhaqaalaha qaranka, kadib markii uu sheegay inuu tixgaliyey baahida loo qabo in dib u habeyn lagu sameeyo golahan. Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu magacaabay guddi cusub oo ka kooban 9 xubnood oo uu hoggaaminayo Xasan Aadan Hoosow...
 Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay fashilayeen weerar gaadma ah oo ay Alshabaab saakay waabirigii kusoo qaadeen deegaanka Burdaar ee gobalka Hiiraan. Afhayeenka gaashaandhigga Soomaaliya Gen. Caanood SONNA ayaa sheegay in ciidanka oo helay xogta qorshaha Alshabaab ay ka hortageen weerarkaasi ayna dileen 12 kamid ah Alshabaab. Gen. Caanood...
Mareykanka ayaa sheegay inuu 17 ka mid ah Alshabaab ku dilay weerar duqayn ah oo ka dhacay deegaan qiyaastii 285 KM dhanka waqooyi bari kaga beegan magaalada Muqdisho, sagaalkii bishaan November. War-saxaafadeed kasoo baxay Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa lagu sheegay in weerarkaan uu ahaa tallaabo looga hortagayay weeraro...
Agaasimaha hay’adda sirdoonka iyo nabad sugidda qaranka (NISA) Mahad Maxamed Salaad iyo agaasimaha sirdoonka iyo nabad sugidda qaranka Itoobiya (NISS) Temesgen Tiruneh Dinku ayaa heshiis ku kala saxiixday magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya. Labada dhinac ayaa ku heshiiyay, in labada sirdoon ee NISA iyo NISS, ay yeeshaan wada shaqeyn...
Wasiirka caafimaadka xukuumada Soomaaliya, Dr Cali Xaaji ayaa sheegay in maanta 9 kamid ah dhaawacyadii Qaraxii Soobe loo qaaday dalka Imaraatka Carabta, si xaaladdooda caafimaad loogusoo dabiibo. Wasiirka caafimaadka oo ka qeyb galayay barnaamijka todobaadka ee warbaahinta dowladda, ayaa ka sheegay in guddiga gurmadka qof kaste oo kamid ah dhaawacyada...
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud oo shalay gaaray dalka Erirea ayaa maanta kulan laleh madaxweynaha dalkaas, Isaias Afwerki, si ay uga wada hadlaan dib usoo celinta ciidamada Soomaaliyeed ee tababarka ku qaatay dalka Eritrea, kuwaas oo muddo ka aan ka yarayn saddex sano ku xanniban dalkaas. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kadib...
Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay inay fashilisay qorshe Al-Shabaab ay ku doonayso in ay Itoobiya uga dhigaan goob argagixiso. Sida uu sheegay Abebe Semagn, oo ah sarkaal katirsan Itoobiya, in ka badan 100 dhallinyaro ah oo isku dayay inay dalkaas ka dhoofaan, kuna biiraan Al-shabaab ayaa ciidanka Itoobiya xabsiga u taxaabeen. Al-Shabaab...