Gudoomiyihii Degmada Sheekh ee Xisbiga Wadani iyo Wariye oo Xabsiga Loo Taxaabey.

0
347

Gudoomiyihii xisbiga mucaaradka Somaliland ee WADDANI ee degmada Sheekh iyo wariyihii muuqbaahiyaha CBA ee degmada, ayay ciidamada amaanku xabsiga dhigeen.

Guddoomiye Maxamed Maxamuud Yuusuf, oo ku howlana qaban qaabinta soo dhawaynta madaxda sare ee xisbiga WADDANI oo dhawaan soo gaadhi doona degmada iyo wariyaha CBA ee degamada oo baahinayay wararka la xidhiidha qaban qaabada soo dhawaynta madaxda WADDANI, ayaa la xidhay.

Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa xadhiga masuuliyiintan ku til maamay ku takrifal awoodeed, iyo talaabo ay xukuumada Somaliland shacabka kaga qaadayso xoriyada.

“Waxaan si xooggan u cambaaraynaya xadhigga xukumaddu kula kacday guddoomiyaha xisbiga WADDANI ee degmada Sheekh, oo ka hawlana abaabulka soo dhawaynta hoggaanka xisbiga iyo sidoo kale wariyaha CBA oo arrintaasi ka warramayay” ayuu yidhi Cirro.

“Waa ku tagrifal awoodeed oo Xisbiga Talada haya ee quusta taagani u miciinsado cabudhin ay muwaadiniinta kaga qaadayso xorriyadooda asaasiga ah” ayuu hadalkiisa ku daray Cirro.

Guddoomiyaha iyo wariyaha ayaa markii la qabtay ka bacdi, loo gudbiyay xabsiga Madheera, ee ku yaala  gobolka Saaxil.