Ciidamada Booliiska ee ka howlgala Saldhiga deegaanka Garasbaaleey ee magaalada Muqdisho ayaa goordhaw nin hubeysnaa ku toogtay xaafada Tabeelaha Sheekh Ibraahin ee duuleedka magaalada Muqdisho.
War qoraal ah oo kasoo baxay Taliska Booliiska gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay ninka ciidanka ay toogteen inuu ahaa Al-shabaab, islamarkaana uu qorsheynaayay inuu dilo...
Shirkada Dahabshiil ayaa dadkii dhibaatadu ka soo gaartay dhul gariirka ku dhuftay Turkiga iyo qeybo kamid ah Siiriya ugu deeqday lacag dhan laba milyan oo Lira ah oo u dhiganta in ka badan boqol iyo lix kun oo dollarka.
Maamulaha guud ee Dahabshiil Cabdirashiid Dahabshiil oo wareysi siiyay idaacadda VOA,...
Ciidamada Qalabka sida ee dowladda Soomaaliya iyo kuwa dib u xoraynta ayaa dilay in ka badan 50 ka tirsan Al-Shabaab oo ay ku jiraan 5 horjooge.
Dilkaan ayaa dhacay kadib howlgal qorsheysan oo ka dhacay meel u dhow deegaanka Afcad ee gobolka Hiiraan.Howlgalkan ayaa waxaa taageerayay saaxiibada caalamiga ah ee...
Barlamaanka Soomaaliya ayaa maanta 20% mushaarkooda u jaray gurmadka dadka ku waxyeeloobay dhul gariirka ku dhuftay Turkiga.
Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee barlamaanka oo guddoominayay kulanka barlamaanka ee maanta ayaa sheegay in ay ansixiyeen in 20% mushaarkooda u jaraan gurmadka Turkiga.
Cabdullaahi Abshirow wuxuu sheegay in Turkigu abaal weyn ku leeyahay...
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya iska hor imaad duhurnimadii Maanta ku dhexmaray Isgoyska Siinaay ee magaalada Muqdisho ciidamo ka wada tirsan dowladda Soomaaliya.
Iska hor imaadka ayaa dhexmaray ciidamo ka kala tirsan Nabadsugida Qaranka iyo kuwa xoogga dalka Soomaaliya, waxaana iska hor imaadka labadaan ciidan uu ka dhashay muran...
Golaha Shacabka ayaa maanta ansixiyay hindise sharciyeedka hay'adda socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed, kaasoo dhawaan golaha wasiiraddu ay meel mariyeen.
Sharcigaan meel marintiisa ayaa waxaa hareeyeeyay buuq badan oo ka dhex dhacay golaha, kadib xildhibaano ay sheegeen in aan lagusoo darin soo jeedin ay guddiga kasoo talo bixinayay usoo gudbiyeen.
Si kastaba...
Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa Maanta xukun dil toogasho ah ku fulisay Qaasim Ducaale Cabdi iyo Xasan Juule Shaakir oo hal maalin si bareer ah ugu kala dilay degmooyinka Xamarweyne iyo Balcad 5 kun oo Shilin Somali ah darteed Abuukar Maxamed Sheekh Nuuraani oo ahaa Ganacsade ku nool Xamarweyne...
Ku dhawaad 10 qof oo shacab ah ayaa ku geeriyooday, tiro kalena way ku dhaawacmeen madaafiic lagu garaacay qeyb kamid ah magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.
Ciidamada Somaliland ee dul fadhiya magaalada Laascaanood ayaa lagu eedeeyay inay ka dambeeyaan madaafiicdan oo sidoo kale burbur xooggan u geystay dhismayaal kuyaala maagaalada...
Saddex nin oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab ayay Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) ku dileen Sarira oo u dhow xadka Lamu iyo Soomaaliya.
Arintaan ayaa timid wax yar kadib markii saddexda qof ay waddada ku xireen qarax uu dulmaray gaari biyo siday oo ay waxyeelo kasoo...
Duqeyn uu Mareykanka ka fuliyay gobolka Shabeeladda dhexe, ayaa lagu dilay shan dagaalame oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay taliska ciidanka Mareykanka ee Africom.
Duqeyntan oo dhacday galinkii dambe ee maalintii arbacada, ayaa lagu fuliyay codsi ka yimid dowladda federalka Soomaaliya, sida ay sheegtay...


















