Shir-weyne beesha Xawaadle ay kaga tashanayaan dagaalka ay kula jiraan kooxda Al-Shabaab ayna ka qaybgaleen masuuliyiin katirsan dowladda Soomaaliya iyo madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle, ayaa ka furmay Nairobi.
Cabdiqaadir Sheikh Muumin oo ah guddoomiyaha jaaliyadda reer Hiiraan ee Kenya ayaa sheegay, in shirkaan uu ku saabsan yahay aayo ka talinta...
Raysal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa ku baaqay in ciidamada dul fadhiya magaalada Laascaanood laga dulaado, si ay u dhaqan gasho xabbad joojintii lagu dhawaaqay.
Raysal wasaare Xamse ayaa sidoo kale ku baaqay in la wada hadlo oo reer Laascaanood laga qanciyo tabashadooda.
Wuxuu shacabka reer Laascaanood ugu baaqay...
Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in dagaal saacadihii la soo dhaafay ka dhacay deegaanka Iji ee gobolka Hiiraan lagu dilay in ka badan 200 oo Shabaab ah.
Wasiir ku xigeenka warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Alcaddaala ayaa sheegay in dagaalkan lagu dilay horjoogeyaal katirsan kooxda Alshabaab, kuwaas oo kala ah;
Salaad Maxamuud...
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa magacaabay guddi qaran oo ka shaqayndoona gurmadka Dhul GariirkaTurkiga.
Guddigan ayuu raysal wasaaruhu sheegay inuu ka shaqeyn doono sidii ay u muujin lahaayeen taageerada shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay la garab taagan yihiin shacabka Turkiga.
Ra'iisul Wasaare Xamse ayaa sheegay in aysan ka hari...
Tobaneeyo tahriibayaal ah ayaa la rumeysan yahay inay ku dhinteen doon ku degtay xeebaha Liibiya, iyadoo ilaa hadda la helay maydka 11 qof oo keliya, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.
Ugu yaraan 73 tahriibayaal ah ayaa lagu soo waramayaa in la la'yahay waxaana loo malaynayaa in ay dhinteen ka dib...
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo iyo duqeymo culus oo is barbar socday oo saacadahii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanada Afcad iyo Iji oo ka tirsan gobolka Hiiraan.
Dagaaladaan oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleey iyo kooxda Al-shabaab, waxaana lasoo wariyay...
Hay'adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa soo saartay amar ku socda gacasatada Soomaaliyeed oo la xariira iney u hoggaansamaan amarada kasoo baxa kooxda Al-shabaab.
NISA ayaa uga digtay ganacaatada Soomaaliyeed talaabooyin kooxda Al-shabaab ay ku dooneyso iney ku boobto hantidooda, islamarkaana dib loogu dhibaateynayo shacabka Soomaaliyeed.
War qoraal ah kasoo...
Millateriga Somaliland ayaa sheegay in dagaalka Laascaanood ay kula jiraan Al Shabaab, Puntland iyo dhallinyaro caadi fadaysan oo reer Sool ah, isla markaana Al Shabaab ku ku eedeeyay in ay Laascaanood dumineyso.
Hogaanka Hawlgalinta Ciidanka Somaliland ahna Af-hayeenka Ciidanka Cabdiraxmaan Cabdilaahi Xassan (Cabdi Dheere) oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay...
Guddiga la-dagaalanka Lacag dhaqidda & Ka-hortagga Maalgelinta waxa loogu yeero Argagixisada ee dowladda Soomaaliya ayaa shacabka ku wargaliyay in ay ka fogaadaan tallaabo kasta oo caawin karta kooxda Alshabaab.
Warsaxaafadeed ay guddigan soo saareen ayay ku sheegeen inay dowladdu la wareegeyso si waafaqsan sharciga ka hortaga lacag dhaqida & La-dagaalanka...
Wasiirka Arrimaha Dibbada Somaliland Ciise Kayd Maxamuud, ayaa sheegay in uu rajo ka qabo in xabad joojinta ay xukuumadu ku dhawaaqday ay suuragalin doonto in colaada Laascaanood wadahadal lagu dhameeyo.
Wasiir Kayd oo warbaahinta kula hadlay Afka Ingiriisiga, ayaa sheegay in xabad joojintu ay suuragalin doonto in khilaafka wadahadal lagu...


















