In kabadan 50 ka Tirsan Al-shabaab oo Ciidamada Dawladda iyo Kuwa Deegaanku ku Dileen G/hiiraan.

0
430
Ciidamada Qalabka sida ee dowladda Soomaaliya iyo kuwa dib u xoraynta ayaa dilay in ka badan 50 ka tirsan Al-Shabaab oo ay ku jiraan 5 horjooge.

Dilkaan ayaa dhacay kadib howlgal qorsheysan oo ka dhacay meel u dhow deegaanka Afcad ee gobolka Hiiraan.Howlgalkan ayaa waxaa taageerayay saaxiibada caalamiga ah ee amniga Soomaaliya, sida lagu sheegay war ka soo baxay dowladda.

Waxaa lasoo bandhigay magacyada qaar kamid ah horgoojayaasha Alshabaab ee weerarka lagu dilay.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka go’an tahay dhameystirka howlgalka xididdada loogu siibayo kooxda Alshabaab.

Khamiistii ayay ahayd markii Dowladda Soomaaliya ay sheegtay inay dishay 200 katirsan dagaalamayaasha Alshabaab, kadib howlgallo ka dhacay deegaanka Iji ee gobolka Hiiraan.