Deeq Lacageed Dhan 2.Million oo Shirkadda Dahabshiil Group ugu Yaboohdey Dhul-gariirkii Turkiga.

0
517

Shirkada Dahabshiil ayaa dadkii dhibaatadu ka soo gaartay dhul gariirka ku dhuftay Turkiga iyo qeybo kamid ah Siiriya ugu deeqday lacag dhan laba milyan oo Lira ah oo u dhiganta in ka badan boqol iyo lix kun oo dollarka.

Maamulaha guud ee Dahabshiil Cabdirashiid Dahabshiil oo wareysi siiyay idaacadda VOA, ayaa ugu baaqay shirkadaha kale ee Soomaaliyeed inay ka qeyb qaataan gurmadka walaalahooda Turkiga ee dhibaatadu gaartay.

“Dhibaatada Turkiga soo gaartaa waa mid nasoo gaartay, haddaanu nahay Dahabshiil. Turkishku waa dad xiriir badan la lahaa dadka Soomaaliyeed boqolaal sano. Markay dhibaatada ka jirtay Soomaaliyana, Turkigu wuxuu ahaa mid si weyn baahida jirtay uga qeyb qaatay,” ayuu yiri Cabdirashiid dahabshiil.

Maamulaha Dahabshiil wuxuu sheegay Dahabshiil inay ka qeyb qaadato meel kasta oo ay dhibaato ka dhacdo, isagoo tusaale usoo qaatay caawinaadii ugu dambeeysay ee dadkii ku barakacay colaadda Laascaanood oo ay ugu deeqeen $200,000.