Saturday, April 18, 2026
Iyadoo dhowrkii sano ee lasoo dhaafay shacabka Soomaaliyeed ay la daalaan dhacayeen xaalado nololeed oo is biirsaday oo ka dhashay roobabkii Guga iyo Deyrta aanan ka da'in gudaha Soomaaliya xiliyadii la filanaayay, ayaa hadana waxaa soo baxaya warar ay shaacisay saadaasha Cimilada IGAD in dalal ay Soomaaliya ku jirto...
Ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa Warbaahinta magaalada Muqdisho u soo bandhigay Shabakad ay sheegeen iney ka tirsan yihiin kooxda Al-shabaab oo laga soo qabtay degmada Hodan ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo ku howlana diyaarinta gaadiid qaraxyo ah oo la doonayay in lagu dhibaateeyo shacab Soomaaliyeed. Kooxdaan Shabaab ka ah ee lasoo...
Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda amniga gudaha maamulka Galmudug ayaa lagu sheegay in ciidamada xoogga dalka, kuwa Daraawiishta maamulka Galmudug iyo dadka deegaanka oo iskaashanaya howlgalo ay ka sameyeen deegaanka Faarax Aadan ee gobolka Mudug in lagu dilay 30 xubnood oo ka mid ah kooxda Al-shabaab. Howlgalka ayaa la sheegay inuu...
Shirka Todobaadlaha Golaha Wasiiradda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya oo uu shir gudoomiyay Raysal Wasaaraha Xukuumadda Xamse Cabdi Barre ayaa Maanta looga hadlay xaaladda guud ee amniga dalka iyo guulahii ugu dambeeyey ee dowladda ka gaartay dagaalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Kulanka Golaha Wasiiradda waxaa warbixino la xariira xaalada howlgalada ka...
Xukuumada Somaliland iyo Maraykanka ayaa ka wadahadlay sidii xabad joojin buuxda looga gaadhi lahaa colaada Laascaanood iyo sidii gargaar loo gaadhsiin lahaa dadka ku barakacay. Kulan ay wada qaateen Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Safiir ku Xigeenka Maraykanka ee Soomaaliya Tim Trenkle, ayaa lagaga wadahadlay sidii xabada loo joojin...
Danjiraha dowladda Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Abuukar Cusmaan Baale, ayaa waxa ka socda magaalada Laascaanood ku tilmaamay dambiyo dagaal oo ka dhan ah aadanaha iyo qiyamka dadka Soomaaliyeed. Danjire Abuukar Baale oo warbixin siinayay golaha ammaanka ayaa sheegay in weerar aan loo kala soocin lagu qaaday dadka rayidka ah...
Kooxo hubeeysan ayaa xalay fiidkii xaafada Xaawo taako gaar ahaan laanta Nuur xawaad ee Magaalada Baledweyne ku dilay Macalin dugsi Quraan oo caan ka ahaa Baledweyne. Allaha u naxariistee marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Macalin Mowliid Cali Cilmi oo ka mid ahaa Culuma'udiinka Magaalada Baledweyne, kaasoo dableydii geystay...
Hay'adda Laanqeyrta Cas ee Caalamiga ah (ICRC) ayaa sheegtay in iskahorimaadka dhex maray ciidamada ammaanka Somaliland iyo kuwa SSC ay ku dhinteen 150 qof ayna ku dhaawacmeen in ka badan 600 oo kale tan iyo 6-dii Feberaayo. Jurg Eglin, oo ah madaxa ergada ICRC ee Soomaaliya, ayaa ku baaqay in...
Gudiga ku meel gaarka ee doorashooyinka kuraasta ka banaan Golaha Shacabka Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ayaa shaaciyay jadwalka qabashada doorashada kursiga sumadiisu tahay HOP 086. Kursigaan oo deegaan doorashadiisu aheyd magaalada Baledweyne ayaa guddiga doorashooyinka ku meel gaarka ah waxay sheegeen in doorashadiisa, si ku meel gaar ah loogu wareejiyay magaalada...
Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa sheegtay In howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Shaw ee gobolka Hiiraan in lagu dilay 20 ka mid ah dagaalamayaasha kooxda Al-shabaab. Howlgalkaan ayay dowladdu sheegtay iney si wadajir ah u fuliyeen ciidanka Nabadsugida Qaranka Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ah, kaasoo ay sheegtay in lagu beegsaday...