Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa sheegtay In howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Shaw ee gobolka Hiiraan in lagu dilay 20 ka mid ah dagaalamayaasha kooxda Al-shabaab.
Howlgalkaan ayay dowladdu sheegtay iney si wadajir ah u fuliyeen ciidanka Nabadsugida Qaranka Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ah, kaasoo ay sheegtay in lagu beegsaday gaari noociisu yahay Homey oo ay saaranayeen ciidamo ka tirsan kooxda Al-shabaab.
Qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in xubnaha lagu dilay howlgalka ay qeyb ka ahayeen xubno ka badbaaday howlgal shalay ka dhacay deegaanka Cadalay oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Si kastaba ha ahaate howlgalkaan ayaa kusoo beegmaya, iyadoo shalay galinkii dambe dowladda Soomaaliya ay shaacisay in howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Cadalay iney ku dishay in ka badan 42 ka mid ah dagaalamayaasha kooxda Al-shabaab oo halkaasi isku aruursanaayay Dhanka kale.
In ka badan 80 ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal ciidan oo ka dhacay deegaanka Shabeeloow oo u dhaxeeya deegaanada Qaycad iyo Bacaadwayne ee gobalka Mudug.
Howlgalkaan ayaa ka danbeeyay ka dib markii Ciidanka isgarabsanaya ay weerar qorshaysan ku qaadeen fariisin wayn oo Shabaab ku lahaayeen deegaanka Shabeelow, waxaana howlgalkaan uu socday in ka badan 10-saacadood.Ciidanka huwanta ah ayaa si buuxda ula wareegay deegaanka lagu dagaalamay, waxaana sidoo kale la sheegay in nolasha lagu qabtay dagaalamayaal ka tirsan Shabaab oo qaarkood qaba dhaawacyo.
Dhanka kale waxay dowladdu sheegtay inay jiraan dagaalamayaal gaaraya 14 oo isku soo dhiibay Ciidanka kawladda ee ku sugan gobalka Mudug.













