Beesha iska leh kursiga hop086 ayaa ka hortimid in doorashada kursigaan loo wareejiyo magaalada Muqdisho, waxayna sheegeen in kursigooda la siyaasadeeyay, loona diiday beesha matalaadeeda barlamaanka Soomaaliya muddo ku dhow sanad.
War saxaafadeed kasoo baxay beesh Reer Aw Xasan ayaa lagu sheegay in kursigaan deegaan doorashadiisu ay tahay magaalada Baladweyne.
Beeshu...
Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa madaxweynaha Somaliland ku eedeeyay in uu sabab u yahay colaada Laascaanood iyo dhibaatooyin kale, wuxuuna ugu baaqay in uu is casilo.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in madaxweyne Biixi uu masuul ka yahay colaada ka taagan magaalada Laascaanood, isla markaana uu abuuray dhibaatooyin kale oo...
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa la kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Ms Tiina Intelmann, iyagoo ay ka wada hadlay mashaariicda horumaniyeed ee Midowga Yurub uu ka taageero Soomaaliya.
Ujeeddada kulankaan ayaa ahaa sidii barnaamijyada uu Midowga Yurub ku taageero Soomaaliya xoogga loogu saari lahaa arrimaha ahmiyadda...
Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha maamulka Hirshabeelle Cabdi Daahir Guure Karoore ayaa si kulul uga hadlay weerarkii Shalay kooxda Al-shabaab ay ku qaaday guri ku yaala degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho oo ay ku sugnayeen dhaawacyo ka tirsana ciidanka Macawiisleeyda.
Wasiir Karoore ayaa sheegay in weerarkaas kooxda Al-shabaab ay ku dishay...
Wararka ka imaanaya degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in guri ku yaala degmadaasi uu haatan ka socdo weerar ku bilaawday qaraxo waa weyn.
Jugta qaraxa oo laga maqlay inta badan degmooyinka magaalada Muqdisho ayaa lagu weeraray guri la sheegay inuu degan yahay Jenaraal ka tirsan Militariga Soomaaliya oo...
Xogeeyaha Guud ee Xisbiga Waddani Khadar Xuseen Cabdi, ayaa sheegay in xukuumada Somaliland ay leedahay hab dhaqankii dowladii Kacaanka marka la eego siday uga jawaabtay mudaharaadadii Somaliland ka dhacay.
Khadar oo ka hadlayay xuska maalinta dhagax-tuurka, ayaa sheegay in maalintani anay macno samaynayn madaama oo xukuumada hada joogtaa ay dishay...
Kadib dagaal saaka ka dhacay Laascaanood, xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in ciidankeeda lasoo weeraray xili lagu guda jiro dadaalo nabad lagu raadinayo.
Warsaxaafadeed ay baahisay Wasaarada Arrimaha Guddaha Somaliland, ayaa lagu sheegay in kooxo hubaysan oo kasoo horjeeda in nabad laga dhaliyo magaalada, ay weerar kusoo qaadeen ciidamada, xili salaadiin...
Madaxweynaha dalka Eritrea Isaias Afwerki ayaa ku baaqay in dib loo soo celiyo qarannimada Soomaaliya oo cagaheeda ku istaagi karta.
Madaxweyne Afwerki oo wareysi dheer siiyay warbaahinta dalkiisa, ayaa sheegay, Soomaaliya inay u baahan tahay xoojinta hay'addeeda madax-bannaan oo ay ku jiraan ciidamo difaac oo la aamini karo.
Afwerki wuxuu sheegay...
Qaar kamid ah xildhibaanada kasoo jeeda gobolka Sool ayaa ku baaqay in madaxweynaha Somaliland lala xisaabtamo oo maxkamad lagusoo taago dhibaatada ka socota magaalada Laascaanood.
Xildhibaanadan oo katirsan barlamaanka Soomaaliya, ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Somaliland inuu ciidamadiisa ku amray inay xasuuq ka geystaan magaalada Laascaanood.
Xildhibaan Cabdullaahi Rooble oo kamid ah...
Dagaal xoogan ayaa saaka waaberigii ka bilaabmay duleedka magaalada Laascaanood, kaasi oo udhaxeeya Ciidamada Somaliland iyo kuwa shacabka SSC.
Wararku waxay sheegayaan in ciidanka somaliland ay weerar kusoo qaadeen fadhiisin ay ciidanka SSC ku lahaayeen duleedka Laascaanood kadib halkaas uu dagaal ka qarxay.
Diryanka hubka waaweyn oo ay adeegsanayaan dhinacydu ayaa...


















