Tuesday, August 11, 2026
Qaar kamid ah waalidiinta magaalada Muqdisho ayaa ku eedeeyay dowladda Soomaaliya inay carruurtooda ku xareeyeen xerooyin ciidan oo kuyaalla magaalada Muqdisho, si loo askareeyo. Waalidiintan ayaa xalay Muqdisho ka sameeyay iskusoo bax ay ka dhigeen xerada Mariiniska ee degmada Xamar Jajab, halkaas oo la sheegay inay ku xaraysan yihiin dhallinyaro...
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa shaaciyay in ciidamada Soomaaliyeed ee Eritrea ku maqan ay dalka kusoo laaban doonaan dhammaadka bishaan illaa bisha January ee sannadka cusub. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay inay soo dhamaatay dib u dhacyadii ku imaan jiray dib usoo celinta ciidamada Soomaaliyeed ee lagu tababaray dalka...
Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu wadaa inuu xil muhiim ah u magacaabo guddoomiyihii hore ee barlamaanka Puntland, Cabdixakiin Axmed Maxamed (Dhoobo). Mr. Dhoobo ayaa bishii November ee sannadkii 2019, mooshin uu dhiig ku daatay xilka looga tuuray. Mooshinkaas ayaa aad loola xiriiriyay inuu ka dambeeyay madaxweyne Deni,...
Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa si kulul uga jawaab celiyay ku dhawaaqista ciidamo la baxay badbaadada Koonfur Galbeed oo Shalay magaalada Baydhabo ay uga dhawaaqeen saraakiil ciidan oo ku sugan magaaladaasi. Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ayaa si cad u sheegay ineysan Koonfur Galbeed ka shaqeyn...
Ciidamada dowladda iyo kuwa dib u xureynta ee ku sugan deegaanka Tareshante oo dhinaca Koonfureed magaalada Baledweyne kaga beegan qiyaastii  27 KM ayaa waxaa isku soo dhiibay sarkaal ka tirsanaa dagaalamayaasha Ururka Al-shabaaab. Sarkaalkaan isa soo dhiibay ayaa magaciisa lagu sheegay Cabdi Xasan Ibraahin, kaasoo Al-shabaab u qaabilsana dhanka Gaadiidka...
TPLF ayaa shaki galisay sida uu u fulayo heshiiskii ay dhawaan gaareen iyaga iyo dowladda Itoobiya ee lagu kala saxiixday Koonfur Afrika iyo dalka Kenya. Sida ay baahiyeen Warbaahinta gobolka Tigray Hoggaamiyaha TPLF ahna Madaxwaynaha gobolka Tigray Debretion ayaa baarlamaanka gobolka Tigray u sheegay inay dawlada Itoobiya ayna wali si...
Raysal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa wacad ku maray inuu xoojin doono dagaalka ka dhanka ah musuq maasuqa, maadaama Soomaaliya ay kamid tahay dalalka ugu musuq-maasuqa badan caalamka. Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in dowladdiisa ay ka go’an tahay sameynta xeerar lagula dagaalamayo musuqa, isagoo sheegay...
Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay inay 15 katirsan dagaalamayaasha Alshabaab ku dishay labo duqayn oo ka dhacay deegaano hoos yimaada degmada Cadale ee gobolka Shabeellada dhexe. War qoraal ah oo kasoo baxay taliska Maraykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay, in duqaymahan oo dhacday intii u dhaxeysay 14kii illaa 17 december lagu...
Senator Saciid Siyaad oo katirsan barlamaanka aqalka sare ee Soomaaliya, ayaa ku eedeeyay maxkamadda ciidamada qalabka sida inay sii daysay eedeysane dil ku xukumnaa, kaas oo dilay qof shacab ah oo kasoo jeedo dadka uu matalo. Senatorka ayaa tilmaamay nin ay maxkamaddu dhawaan ku xukuntay dil toogasho, in uusan ahayn...
Wariye Jamaal Cismaan oo ah weriye katirsan warbaahinta calamiga ah ee Channel 4 , ayaa lagu xiray Muqdisho shalay, waxyar kaddib markii uu kasoo dagay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde. Sida ay sheegayaan ilo-wareedyo, weriyaha iyo filim-sameeyaha ku guuleystay abaal-marinnada kala duwan ayaa xabsi guri looga dhigay hotel kuyaala garoonka diyaaradaha...