Wasiirkii hore ee maaliyadda Soomaaliya, Maxamed Aadan Ibraahim (Fargeeti), ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta Gareen inuu amar ku bixiyay weerar uu sheegay in lagusoo qaado hoygiisa magaalada Baydhabo.
Maxamed Ibraahim Fargeeti oo saxaafadda kula hadlay magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in madaxweynaha Koonfur Galbeed uu qaadanayo masuuliyadda iyo...
La taliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya, Xuseen Macallin Maxamuud, ayaa sheegay, dowladda Soomaaliya inay muddo labo sano gudaheed ah kusoo afjarayso Alshabaab.
La taliyaha amniga qaranka oo la hadlayay warbaahinta dowladda, ayaa sheegay in dagaalka Alshabaab ay dowladda ku garab taagan yihiin, dowladaha Maraykanka, Turkiga, Ingiriiska, Midowga Yurub iyo...
Beesha reer Xaaji Saleebaan ayaa si adag u beenisay bayaan kasoo baxay kooxda Alshabaab, oo lagu sheegay in beesha iyo Alshabaab ay gaareen heshiis nabadeed oo lagusoo afjarayo colaadda dhextaalo labada Dhinac.
Alshabaab ayaa bayaan ay ku daabaceen warbaahinadooda, waxay ku sheegeen in beesha reer Xaaji Saleebaan ay isla gaareen...
Xiisado colaadeed ayaa saakay lagasoo sheegayaa magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, xiisadahaas oo ka dhashay diidmo laga muujinayo muddo kororsiga madaxweynaha Koonfur Galbeed.
Xaafadaha qaar ayaa lagasoo sheegayaa inuu ka dhacayo iska hor imaad u dhaxeeya ciidamada maamulka Koonfur Galbeed iyo kuwa mucaaradka...
Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa goordhaw xaqiijisay in ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya ciidanka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleeyda iney si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta degmada Ruunirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya Jenaraal Cabdullaahi Cali Caandood oo shirjaraa'id qabtay ayaa sheegay in ciidamada is garabaanaya...
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya ayaa sheegtay inay siidaayeen lix ka tirsan Ciidamada dalka Jabuuti oo ay haysteen garabka hubaysan ee FRUD, sida ay baahisay Warbaahinta dalka Itoobiya.
Askartan ayay kooxdani ku qabsadeen weerar ay Jabhadda FRUD bishii October ee sannadkan ay ku qaaday xero ay lahaayeen ciidanka Jabuuti, halkaas...
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh oo lagula beegsaday ciidamo ka tirsan kuwa dalka Kenya deegaan u dhaw magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari Kenya.
Qaraxaan oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ayaa la sheegay in kooxda Shabaab la beegsadeen gaari ay...
Cabdimaalik Muuse Coldoon oo ah saxafi u olloleeya in laga foojignaado dhaqamada shisheeye, oo xabsiyada Somaliland ku jiray tan iyo 19, 8, 2021, ayaa ugu danbayn xabsiga laga sii daayay.
Cabdimaalik oo warbaahinta la hadlay kadib markii uu dhamaystay xukun laba sanno oo xabsi ah, ayaa sheegay in lagu qoonsaday...
Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ayaa lasoo warinaya iney kaabiga ku hayaan deegaanka Ruunirgood oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.
Ciidamada ayaa labadii cisho ee lasoo dhaafay howlgalo culus ka waday nawaaxiga deegaanka Ruunirgood oo la tilmaamay iney tahay deegaanka kaliya ee Al-shabaab haatan kaga sugan...
Golaha Ammaanka ee QM ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay go’aankii ay horey u gaareen Golaha Ammaanka iyo Nabadda ee Midowga Afrika, kaasi oo ahaa in dib loo dhigo dhimista 2,000 oo askari oo katirsan ciidamada ATMIS ilaa 30ka Juun 2023, iyadoo la raacayo war-murtiyeedkii uu ansixiyay Golaha Nabadda...


















