Wariye Ka Tirsan Warbaahinta Channel 4- Jamaal Cismaan oo Lagu Xanibey Garoonka Aadan Cadde Dibna loo Celiyey.

0
713

Wariye Jamaal Cismaan oo ah weriye katirsan warbaahinta calamiga ah ee Channel 4 , ayaa lagu xiray Muqdisho shalay, waxyar kaddib markii uu kasoo dagay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Sida ay sheegayaan ilo-wareedyo, weriyaha iyo filim-sameeyaha ku guuleystay abaal-marinnada kala duwan ayaa xabsi guri looga dhigay hotel kuyaala garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya inay dowladdu ka musaafurisay dalka.

Ma cadda sababta loo xiray Jamaal Cismaan, balse waxaa laga yaabaa in xarrigiisa ay sabab u tahay barnaamij uu ka diyaariyay  Al Shabaab horaantii sanadkaan.

Barnaamijka oo weriyuhu uu kasii daayay Channel 4 ayaa lagu haystaa inuu buun buunin u sameeyay kooxda Al-Shabaab isaga oo muujinayey inay dadku nolol wanaagsan ku haystaan joogitaanka iyo ku hoos noolaanshaha Alshabaab.

Barnaamijkaas waxa uu Jamaal Cismaan ku mutaystay Abaalmarinta Rory Peck 2022, laakiin waxa sidoo kale lagasoo gudbiyay in ka badan 100 cabasho ah iyo dhawr codsi oo ku baaqayay in barnaamijka la tirtiro.

Horraantii Oktoobar, dawladda Soomaaliya ayaa soo bandhigtay awaamiir warbaahineed oo ku saabsan in dhammaan wararka la xiriira Al-Shabaab oo ay ku jiraan falalkooda iyo fikirkooda inay yihiin dambiyo ciqaab mudan.